Khariidadda Xaaladaha Abaarta Bisha Abriil 2017

Qaybo badan oo ka mid ah dalka waxay guud ahaan ahaayeen qalayl bishii Maaraj 2017 oo idil iyadoo xaalado abaareed oo xad-dhaaf ah ay ku baahsanaayeen dalka qaybaha ugu ballaaran. Caadi ahaan roobabka Gugu waxay qaybaha Waqooyi Galbeed ka bilowdaan dabayaaqada Maaraj iyo bartamaha Abriil gudaha dalka intiisa kale.

Roobab fudfudud ilaa kuwo dhexdhexaad ah ayaa laga helay gudaha Soomaaliland oo u fidsanaa shan maalmood gudahood. Xarumaha Boorama, Qolujeed iyo Gabiley ee gudaha Gobollada Awdal iyo Waqooyi Galbeed waxaa la diiwaangeliyey qadarka roobabkii ugu badnaa; 112mm, 65mm iyo 53mm mid mid ahaan. Qaar kale oo xarumaha la diiwaangeliyey roobabka xoogga leh waxaa ka mid ahaa Ceerigaabo (41mm), Dhubato (32mm), Abuuriin (33mm) iyo Hargeisa (23mm). Roobabkaan waxaa la filayaa in ay wanaajiyaan daaqa iyo carshinta, qoyaanka ciidda iyo biyo helitaanka waqtiga gaaban dhexdiisa.

Meelaha Waqooyi Bari, Koonfur iyo Bartamaha waxaa weli la sugayaa bilowga xilli roobaadka, kaasoo badanaa bilowda gudaha bartamaha Abriil, hase ahaatee, roobab goosgoos ah iyo kuwo fudfudud ayaa laga diwaangeliyey gudaha dhawr meelood intii lagu jirey toddobaadkii u dambeeyey bisha Maaraj. Buuraleyda sare ee Itoobiya oo roobkeedu door weyn ka qaato qulqulka webiga gudaha Soomaaliya waxaa la diiwaageliyey inuu ahaa dhexdhexaad ilaa mid culus qaybtii dambe ee Maaraj. Sidaas daraadeed, tani waxay horseeday koru kac ku yimid heerarka webiyada Juba iyo Shabeelle ee gudaha Soomaaliya.
Nike Sneakers Store | Buy online Sneaker for Men

Somali
Thumbnail Image: 
Feature Article: 
Yes