Meelaha Garanwaagu qabsaday ee Soomaaliland

Somali

Garanwaaga/Cali-garoob waxaa markii ugu horreysay horraantii 1950-naadkii Soomaaliya soo geliyey aagga tuulada Bullaxaar oo ku taalla xeebta Gacanka Cadmeed ee galbeedka Berbera nin dhir-beere ahaa oo Ingiriis ah oo lagu magacaabi jirey Mr. Dawson oo ka shaqaynayey mashruuc dhirayn ah, si loola dagaallamo nabaad-guurka, dabeylo siigada ah iyo dhaqdhaqaaqa ciid bacaadka ah (Ahmed Ibrahim Awale & Sugulle, A. Jama, Faafidda Prosopis juliflora ee Somaliland, (2006), Candlelight). Mar kale oo dambe 1970-naadkii iyo 1980-naadkii ayaa Ururada Caalamiga ah waxay soo geliyeen xeryo qaxooti oo ku yaalay Agabar, Laas Dhuurre, Biyo xidheenka (Hargeysa),  Saba-cad oo u dhow Dacar-Budhuq iyo Daray-macaan oo ku taal gobolka Awdal. Ujeedadu waxay ahayd in la yareeyo xaalufka deegaanka ay sababeen qaxootiga Itoobiyaanka (1977-1978 ee dagaalkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya) kuwaas oo baabi'iyey geedahii degaannada ku hareereysan xerooyinka qaxootiga si ay ugu isticmaalaan xaabo la shito iyo loox dhismeed iyo in ay curiyaan dhir degdeg ku baxda taas oo si dhakhso badan bedel u noqon karta geedaha si gaabiska ah u baxa ee deegaanka dalkaan oo markaasna suurtogaliya inay bedel u noqoto xaabadii geedaha la jarayey.

Sanadihii hore Garanwaagu wuxuu ku koobnaa meelo yaryar oo agagaarka xeryaha qaxootiga ah, laakiin labaatameeye sano ka dib faafiddiisu waxay ka dhacay qaybo badan oo dalka ka tirsan, qaybta dhexe ee Gobollada Awdal iyo Waqooyi Galbeed, oo ku dherersan laago fara badan oo ka soo askuma dooxyada silsiladda buuraha Goolis, durdurrada, beeraha, dhulalka biyodegga, aagga xeebta ku teedsan ee Gacanka Cadmeed laga soo bilaabo degmooyinka Lughaya ilaa Berbera, iyo sidoo kale degmada Burco ee gobolka Togdheer oo ka tirsan qaybta dhexe ee Somaliland. Ma jiraan dhulal ka tirsan qaybaha sare sare ee degmooyinka Sheikh iyo Ceerigaabo oo uu ku faafay geedka Garanwaaga.

Tababar xog ka soo ururin goobaha miyiga oo ay SWALIM sameysay si loo khariideeyo xaddiga faafidda noocyada geedka Garanwaaga ee ka jirta gudaha Somaliland ayaa lagu qabtay Hargeysa laga bilaabo 23-kii - ilaa 28-kii January, halkaas oo 5 meelood oo la danaynayo lagu xushay sida lagu muujiyey khariidadda hoose (Muuqaal.1). Lix shaqaalaha farsameed oo ka socda Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ayaa lagu tababarey arrimo ku saabsan sida xogta iyo macluumaadka looga soo ururiyo goobta miyiga ee uu weerarey Garanwaagu iyadoo la isticmaalayo qaababka warqdaha goobta/ su’aal-weydiin.

Joqoraafi ahaan aagagga la xushay ee la danaynayo waxay ku yaalaan unugyada baxaalliga dhulka ugu muhiimsan ee Soomaaliland oo isugu jira dhul dul siman ilaa mid kala korkorreeya oo ay mid yihiin ban, oogo, buuro, silsilad buuro sare iyo ban xeebeed.

Cimilada aagagga daraasadda waxaa ka mid ah cimilada lamadagaanka ka jirta ban xeebeedka taas oo ah mid aad u kulul oo celceliska heerkulku u dhexeeyo 280 iyo 35oC oo inta badan sanadka qalalan oo calceliska roob-da’iddu tahay wax ka yar 100mm oo ku di’i karta hal xilli roobaad laga bilaabo Diseembar ila Feberwary. Silsiladda buuraleyda sare iyo dhulka sare waxay ku yaalaan koonfurta ban xeebeedka oo ilaa xad waa qoyan yihiin oo waxay helaan roobab sanadle celceliskoodu yahay wax u dhexeeya 500-600 mm oo u qaybsama laba xill roobaad oo loo yaqaan Gu iyo Deyr, kuwaas oo ay kala dhexgalaan laba xilli oo qalalan oo lagu magacaabo Xagaa iyo Jiilaal, hadana waxay leeyihiin heerkul celcelisku u dhexeeyo (20-240C). Oogada ku taal koonfurta silsiladda buuraleyda sare waxay leedahay heerkul dhexdhexaad ah oo celcelisku u dhexeeyo 20-220 C oo celceliska roobab sanadle waxay isubedbedelaan wax u dhexeeya 400-500mm.

Kormeerrada

Maadaama xilligii xog uruurintu ay ahayd mid aad u qalalan; waxaa la arkayey in dhirta Garanwaaga (Prosopis juliflora) ay ahayd mid si gaar ah u cagaaran oo u adkeysata abaarta oo inta badan ubxinaysay oo lahayd dhaameel/abqo fara badan badi goobaha.

Garanwaagu (Prosopis) wuxuu u baxaa sida geed sare iyo/ama geed gab wuxuuna ka sameeyaa dhir sooc u taagan oo keyn jiq ah gudaha dhul daaqeenka u qabsaday iyo sidoo kale soodimaha beeraha dalagga. Waxaa laga helaa dhulka dhagaxa ama gururuxa ah isaga oo geed gaab firirsan/teeteel ah oo uu la jiro qaar tiitiin ka mid ah. Intaas waxaa sii dheer wuxuu ka sameeyaa keymo aad u cufan oo aan dhexmari karin dhulka leh ciid-daadkeentayda ee ku hareereysan biyo-mareennada (webiyada, balliyada iyo biyo-xireennada) dhexmara xagga waqooyiga ee qararka Buuraleyda sare ee Golis oo sii kaca xagga Gacan Cadmeed.

Waxaa la arkay in Garanwaa (Prosopis) uu leeyahay awood xoog badan oo uu kula bulaalo duruuf deegaameed oo dhan, qoyaan yarida, ciid cubooley heer sare iyo midda nafaqada liidata. Waxaa uu sii badanayaa markii waqtigu sii kordhaba si xawli ah isaga oo u faafaya jihooinka oo dhan, gaar ahaan jiidda xeebta ku jeeda Gacanka Cadmeed, gudaha dhasheegga iyo dacallada biyo-mareennada iyo soohdimaha beeraha.

Cilmi-deegaanka (ecology) gobolkaan waa uu bedelmay ka dib soo-gelitaankii Garanwaaga (magaciisa cilmiga ah waa Prosopis juliflora).

Faa'iidooyinka iyo saamaynta taban ee Garanwaaga

Intii lagu guda jirey wareysiyada lala yeeshay xoola-dhaqatada iyo beer-xoola-dhaqatada deegaanka, waxay dhammaan xaqiijiyeen in ay qaar faa’idoonka ah ka helaan geedka Garanwaaga gaar ahaan waqtiga dhacdooyin abaarta, in kasta oo uu ka qaalib noqday qaar ka mid ah dhirta loo doorbido calf-daaqa sida noocyada xudhuunka/daluugga iyo kiwo kale. Faa’idooyinka ugu muhiimsan ee la xaqiijiyey waxaa ka mid ah:

a) Waxsoosaarka qoryo/xaabo iyo dhuxul nolosha qoyska loo isticmaalo iyo iib

b) Xoolaha waxay cunaan dhaameelka/abqada

c) Waa loo isticmaalaa in la harsado/hadhsado

d) Ulo  ka sameyn, tiirar iyo loox lagu dhisto aqallada/hoyada

e) qoryo ood lagu deyro soohdimaha beeraha iyo xerooyinka xoolaha

f) Dabaylcelis lagu yareeyo siigada kacda iyo xakameynta bacaadka guurguura

g) In lagu yareeyo lamadagaanka

Sidoo kale waxay ka cawdeen saamaynta badan oo taban/xun oo leeyahay Garawaaga duulaanka ah sida lagu diiwaaniyey xagga hoose:

a) Qabsashada dhulalka carshinta la wadaago iyo goobaha beeraha iyo yaraynta meelaha la beerto iyo dhulka daaqa ee cawsaska wadaniga ee cunnamaya leh, calafka geed-sare iyo geed-gaabba.

b) xoolaha si keli-ahaan ah u quuta dhaameelka garanwaaga (Prosopis) muddo dheer waxay inta badan la  xanuunsadaan cudurada (rabitaanka cuntada oo yaraada iyo sababidda miisaan yaraasho, tabar-darri, ilkaha kharribmaya, shuban, xumad, faalij iyo dhimasho)

c) Wuxuu sababaa yaraanshaha xaddiga waxsoosaarka xoolaha xagga caanaha iyo hilibka

d) Dadka iyo xoolahu waxay la xanuunsadaan dhaawacyada qodxanta fiiqan oo sun leh ee Garawaagga (Prosopis)

e) baabuurta wuxuu dhaawacaa lugaha/taayirrada

f) Ka yareynta aadanaha iyo xoolaha maritaanka meelaha u qabsaday isaga oo xira wadooyinka loo maro goobaha biyaha iyo meelaha carshinta leh ee kale

g) Wuxuu laystaa biyaha isaga oo hoos u dhiga heerka biyaha ceelasha gaaban, iyo sidoo kale wuxuu xumaanaya tayada biyaha

h) Jiqda Garanwaaga waxay martigelisaa bahallada duurjoogta ah sida waraabe/dhurwaa iyo dawacooyinka kuwaas oo weerara xoolaha

Gunaanad

Ku fidista degdegga ah ee Garanwaaga dhulalka carshinta fiican iyo beeraha waraabka waa wax aad u naxdin leh oo bulshooyinka si weyn u saamaysay. Dadka degaanka waxay og yihiin in aysan aqoon aasaasi ah u lahayn tallaabooyin lagu xakameeyo oo dhammaystiran iyo farsamooyinka la qabsiga si looga takhaluso; Waxa kale oo ay dhammaan aqoonsan yihiin in aan qofna mas’uul ka ahayn inuu kaxakameeyo Garanwaaga ku faafidda dhulalka la wadaago.

Waxay sheegayaan in dhawr jeer NGO-yo kala duwani ay iyaga abaabuleen si ay jiqda Garanwaaga uga ciribtiraan waddooyinka iyo meelo ka mid ah xaafado tuulooyin la xushay iyadoo la sameynayo tallaalo rujin, jarid iyo geedo gubid, qoryo gubid dhuxul laga soosaaro ama gubid dambas ka dhigid ah meelo uu qabsaday. Qalabka caadiga ah ee ay u isticmaalaan dabargoynta Garanwaaga iyo xakamaynta waxaa ka mid ah isticmaalka faasaska, gacan ku rujinta iyo mashiinada sida cagafta; si kastaba ha ahaatee, dadka halkaas jooga waxay ka walaacsan yihiin sida Garanwaagu uu si fudud oo degdeg ah dib ugu dhasho iyo sida aan cidina uga takhalusi karin abuurka carro jiifka ah oo uu soo baxo/biqlo qaar ka mid ah markii la saaro jiridda geedka Garanwaaga ka dib.

Thumbnail Image: 
Feature Article: 
Yes
Thematic classification: