SWALIM waxay Nairobi ku Qabatay Dhacdo Macluumaad Wadaag oo ah “ Maalin Furan”

Taariikhdu markii ay ahayd 12 iyo July, 2016, Mashruuca Maareynta Macluumaadka Biyaha iyo Dhulka Somaaliya (SWALIM) waxay qabtay labo maalmood oo macluumaad wadaag ah si fiican looga soo qaybgalay xaafiiska Naironi, Kenya ee Xarumaha FAO Soomaaliya. Dhacdadu waxay ahayd guul weyn oo waxay fursad u siisay saaxiibada shaqada FAO Soomaaliya iyo FAO Kenya in ay wax badan ka ogaadaan shaqo ay SWALIM ku guulaysatay abaalmarin iyo raadka ay ku yeelanayso Soomaaliya.

Dacadadu waxay sidoo kale fursad siisay la hawgaleyaasha horumarinta, deeq-bixiyeyaal iyo daneeyeyaal kala duwan si ay arkaan xaqiiqda dhabta ah waxa ay SWALIM tahay oo ay ka faaidaan aqoon iyo macluumaad ku saabsan wax soosaar baaxad weyn, adeegyo iyo fursado wada shaqayn oo ay ka heli karan. Tani waxay ahayd fursad aad iyo aad u fiican in toos loola kulmo shaqaaalaha SWALIM ee ka shaqaynaya mowduucyada kala duwan si ay su’aalo u weydiiyaan oo ay u fahmaan shaqadooda.

Ku dhawaad 120 qof oo booqdeyaal ah ayaa u yimid si ay u arkaan waxsoosaarka SWALIM iyo tusaaleyaal bandhig, oo ay ka mid yihiin 61 saaxibo shaqaale FAO ooka kala yimid xaafisyada dalalka Soomaaliya iyo Keenya iyo 57 la hawgaleyaal ka soo jeeda ha’ado ah walaalaha Qaramada Midoobay, NGO-yo caalami ah iyo NGO-yo Maxalli ah oo ka soo jeeda Soomaaliya iyo Keenya. Bandhigga guud ahaan dadkii booqdayaasha waxay ku tilmaameen inuu ahaa mid “xeeldheer” oo “il- u furay”.

 

Wixii laga helay aad buu u fiicnaa oo oo wuxuu iftiimiyay doorka muhiimka ee SWALIM ay ciyaarto bixinta macluumaad xaqiiq ku salaysan, waqtiga la socda oo lagu kalsoonaan karo si hawl-la-wadaagta loogu caawiyo qaadashada go'aanno horumarineed oo ku saabsan arrimaha maareynta khayraadka dabiiciga ah iyo sidoo kale taageeridda bulshooyinka degaanka Soomaaliyeed si ay u maareeyaan khayraadkooda oo uga jawaabaan caqabado deegaameed iyo aafooyin cimilo.

Waxaa ka mid ah faalooyin badan oo arrintaan laga helay, Mercy Gitau oo ka tirsan Concern Worldwide,  waxay ku sheegtay, "waa wax fiicanaan badan in la ogaado waxa ay SWALIM qabato, xogta la soo uruuriyay waa mid faa'iido aad ah u leh si ay noogu caawinto inaan gaarno go'aamo muhiim ah marka aan barnaamij diyaarinayno."

 

Florence Muchori oo OCHA ka tirsan waxay ku dartay, "Intii lagu guda jiro xilli roobaadyada, macluumaadka SWALIM wuxuu waxtar u leeyahay caawinta uu nagu caawinayo in aan go'aamo muhiim ah gaarno, gaar ahaan xaaladaha degdegga ah, marka eego  saxnimadiisaa iyo isku halayntiisaba."

 

Dhacdada maalinta furan waxaa lagu qabtay qolka weyn ee shirarka oo ku yaal xarunta FAO Soomaaliya, iyadoo tusaalooyin qalab bandig ah lagu rakibay goob dibadda ah. Shaqada  SWALIM ayaa lagu soo bandhigay looxaan la suray darbiyada qolka oo markaas koox kasta oo mowduuc ka shaqaysa - Biyo, Dhul, Maareyn Macluumaad, Horumarin Awood iyo GIS /RS Jeedalin dareeme fog – la siiyey miis loo qotomiyey inay ku muujiyaan wax soo saaryo iyo qalabyo.

 

Kooxda SWALIM waxay gacanta ku hayeen hawlaha dhacdada oo dhan si ay u sharxaan oo u muujiyaan wax soo saarka iyo qalabka. Kooxda GIS / RS waxay abuurtay wax xiiso weyn u leh la-hawlgalayaasha, kuwaas oo ku tilmaamay bandhiggoodii mid si wanaagsan loo soo abaabulay oo cajiib ah. Intii dhacdada lagu guda jirey, SWALIM saraakiisheeda farsameed waxay si firfircoon ugu hawlanaayeen ka qayb-galayaasha, iygoo siinaya sharaxaad faahfaahsan oo dhinacyo kala duwan oo shaqada SWALIM ah iyo ku caawinta macaamiisha si fiican u isticmaalidda qalabyada iyo macluumaadka la heli karo, gaar ahaan iyada oo loo marayo mareegta dadweynaha ee SWALIM (SWALIM Website (www.faoswalim.org ).

Sports brands | Nike

Somali
Thumbnail Image: 
Feature Article: 
Yes