SWALIM WAXAY TAGYEERTAA XARUNTA HAWLAHA ABAARTA & ISKUDUBBARIDKA (DOCC) EE MUQDISHA

Xaaladda beni’aadamnimo ee Soomaliya waa ay sii xumaaneysay tan iyo markii abaarta lagu dhawaaqay dhammaadkii 2015. Waxaa la qiyaasay in dad 6.2 malyan ah ay u baahan yihiin gaargaar beni’aadamnimo intii lagu jirey muddadaan. Dadka ugu badan ee abaartu saamaysay waa dumar, carruur iyo dad da’da ah oo bulshada ka tirsan. Roobabkii la helay oo yaraa labadii sano oo dambe waxay xaaladaha alwaba qalafsanaa ka dhigtay kuwo sii xumaada iyadoo ay aad u gabaabsiyeen biyaha nadiifka ah oo la cabbo, dalagyadii ayaa xumaaday, kummanaan xoolo ah ayaa le’day iyo qiimihii cuntada oo kordhay ayaa xaaladda ka dhigtay mid sii xumaatay oo aan loo adkaysan karin. Marka xaaladdu sii xumaataba, dadweyne fara badan ayaa ka soo guura deegaannada miyiga oo yimaada meelaha magaalooyinka ah oo abuura xeerooyin barakacayaal oo wax yar ama cunto iyo biyo helid la’aan ku dhaw.

Hay’adaha beni’aadminimada waxay isticmaaleen Hannaan Isbahaysi ah si ay uga jawaabaan dhibaatooyinka degdegga ah. Isbahaysiyadu waa kooxo ururro beni’aadminimo, isugu jira Qarammada Midoobay (UN) iyo kuwo aan ka tirsanay Qarammada Midoobay (non-UN), oo mid kasta uu ku jiro waaxyaha muhiimka ah ee wax ka qabta hawlaha beni’aadminimada tusaale biyaha, nafaqada iyo caafimaadka. Hay’adahaan waxay la shaqeeyaan isbahaysiyo kala duwan si loo hagaajiyo hawlgallada, looga hortago goldaloollooyin, oo loo joojiyo iska dul-keen iyo iskaga daba noqnoqosho hawleed. Qoondegelinta Isbahaysiga waxay ku dhisan tahay hawsha saldhigga u ah ururka, tusaale FAO iyo WFP waxay ka tirsan yihiin Isbahaysiga Ammaanka halka UNICEF ay ku jirto Isbahaysiga Waxbarashada iyo Nafaqada. Hawlaha ay qabtaan Isbahaysiyadu waxaa iskuduwa iskuduwaha Beniaadminimada iyo Gurmadka Degdegga.

Iyadoo laga jawaabayo dhibaatooyinkaan Soomaaliya ka jira iskuduwaha Beni’aadminimada iyo Gurmadka Degdegga, oo taagyeerayso kooxda beni’aadminimada ee dalka, wuxuu sameeyey 3 Hawlgal Abaar iyo Xarun Iskuduwid oo caadi ahaan loo yaqaan DOCC oo ku kala yaal Muqdisha, Baydhabo iyo Garoowe. Xarumaha DOCC waxay ku deeqayaan barkulan halkaas oo ay isugu yimaadaan dhammaan isbahaysiyadu si u qorsheeyaan oo u fuliyaan hawlgallada beni’aadminimada. Xarumaha DOCC waxay caawimaad ka geystaan iskuduwidda hawlgallada, diyaargaraynta saadka iyo ammaanka oo ka dhaxaysa hawlwadeennada beniaadminimada. Xarumaha DOCC waxay suurtogeliyaan in lala wadaago xogta aasaasiga iyo macluumaadka Maalmullada Dawliga ah iyo dhammaan isbahaysiyada kala duwan ee ka tirsan Qarammada Midoobay (UN).

SWALIM waxay siinaysaa Xarunta DOCC ee Muqdisha ku taal taagyeero farsameed. Taagyeeradaan waxaa toos u siinayaa Unugga Dareemaha Fog iyo GIS (Remote sensing/GIS) iyo Unugga Biyaha. Unugga Dareemaha Fog iyo GIS wuxuu taagyeeradiisa farsameed ku siinayaa khariidad samayn iyo falanqaynta xogta ah taas oo laga helay goobta dhulka, oo loo bedelay muuqaal shax iyo jaantuus iyo khariidad habaysan oo waafaqsan sida baahida isgaarsiintu ay tahay. Khariidaduhu waa aalad waxtar badan u leh caawinta ka jawaabeyaasha gurmadka degdegga, si kooxaha gargaarka iyo bulshooyinka ay si fiican uga jawaabaan gurmashada. Khariidaduhu waxay caawiyaan in la fahmo xiriirrada, isbedellada iyo naqshadaha ku saabsan xaaladaha hadda jira. Tusaale khariidadaha loo sameeyay DOCC waxay yihiin: khariidad loo sameeyey in lagu raadraaco dhacdooyinka daacuunka oo loo saadaaliyo meesha dhacdo kale ay ka dhici karto si markaas loogu suurtogeliyo sidii isbahaysiga caafimaadku u la imaan lahaa tallaabooyin yaraynta loogu talagalo ee magaalada middaan ku xigta. Khariidadda waddooyinka taas oo ka caawinaysa isbahaysiga xagga sahay-siinta si uu u qorsheeyo waddada ugu fiican oo ugu degdegsiyaha badan ee kalmo lagu gaarsiin karo dadka u baahan. Khariidadaha la sameeyay ee muujinaya xerooyinka barakacayaasha (IDP’s camps) waxay u suurtogelinayaan kooxda sahay-siinta in ay qorsheeyaan sida gargaarka aadka loogu baahan yahay loo gaarsiin karo dadyowga u bahaan.
best Running shoes | Women's Nike Air Jordan 1 trainers - Latest Releases , Ijmedph

Somali
Thumbnail Image: 
Feature Article: 
No
Thematic classification: