L-14 Qiimayn Xaaluf Dhul iyo Qaabhawleed Kormeerid gudaha Soomaaliya

Somali
Technical report
Title Language: 
Somali
Language: 
Abstract: 
Gudaha daraasadan, ayaa waxaa la sameeyey qiimayn heer-qarameed ee xaaluf dhul iyadoo la isticmaalayo masawirro jeedaalin dareeme fog oo waqti taxane laga soo bilaabay 1982 ilaa 2008 iyo ra'yi khabiiro oo ku saabsan taariikhda nabaadguurka gudaha Soomaaliya marka dib loo raaco tan iyo intii ay khubaradu xusuusan karto. Ujeedada cilmibaaristu waxay ahayd in la ogaado sababo nabaadguur xoogiya, noocyo, iyo saamayno uu ku leeyahay dhulka heer qaran iyo in la cayimo goobo maxalli ah oo lagu sameeyo qiimayn dhamaystiran. Waxsoosaarrada ka soo baxay daraasadan waxaa loo arkay in ay taageeraan go'aamada siyaasadeed ee lagula dagaallamayo xaalufka dhulka heer qaran iyo in tilmaamaha guud la bixiyo qeybaha dalka ee la kulmaya nabaadguur daran si markaas loo oogi karo qorsheyn haboon ee khayraadka qaran. Qiimeynta waxaa loo kala dhigdhigay heerheer si waafaqsan hababka unugyada isticmaalka dhulka ee gudaha dalka. Waxaa weheliya qiimeynta, in daraasaddu ay sidoo kale taabagelisay macluumad saldhig wanaagsan si mustaqbalka loola socodo xaaluka dhulka gudaha Soomaaliya.
Access conditions: 
Date of publication: 
June, 2009
Agris Subject Categories: 
Form: 
Notes: 
Source: