Saadaasha Roob-di’idda Soomaaliya – 17/4/2020

Somali
Rainfall Forecast
Title Language: 
Language: 
Abstract: 
Toddobaakii la soo dhaafay waxaa la arkayey kororka roob-di’idda guud ahaan Soomaaliya. Meelo badan oo ku yaal dooxooyinka Juba iyo Shabeelle ee Koonfurta, waa la diiwaaniyey 50 mm ilaa 70 mm wadar ahaan. Roobab dhexdhexaad ayaa sidoo kale laga diiwaaniyey gudaha Soomaliland halka ay Puntland ka ahaayeen roobab fudfudud labadii maalin ee u dambeeyey. Saadaasha roob-di’idda toddobaadka soocda waxay sheegaysaa roobabka oo kordhaya gudaha Soomaaliland, qaybaha koonfureed ee Soomaaliya iyo gudaha buuraleyda Itoobiya. Roobab culculus oo gaara ilaa 100 mm ayaa laga filayaa gudaha gobolladaan. Gobollada Bari, Nugaal iyo Mudug waxaa la filayaa inay ahaadaan kuwo engegan inta lagu jiro muddada saadaashan. Roobabka culculus ee la saadaalinayo waxay horseedi doontaa koror ku yimaadaheerka qulqulka webiyada Juba iyo Shabeelle gudaha Soomaaliya oo lahayn halis fataadeed jiidda webiyada. Daadad ka soo rogmada meelaha sarsare oo saameeya meelaha hooseeya ee gobollada Soomaaliland, Jubada Dhexe, Bay iyo Bakool oo ayaa laga filayaa meelaha roobaka culculus ku da’aan inta lagu jiro muddada la saadaalinayo.
Access conditions: 
Date of publication: 
April, 2020
Form: 
Notes: 
Source: