SWALIM Waxay Fidinaysaa Shabakad Kormeerid Cimilo

SWALIM waxay iskaashi la sameysay Wasaaradda Beeraha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) si loola socdo xaaladda cimilada gudaha Soomaaliya. Wadajir ayey Wasaaradda iyo SWALIM ugu rakibi doonaa afar saldhig cimiladeed iswada (automatic) oo dheeraad ah iyo laba qalab-gacmeed oo roob-beeg ah (roob cabire) gudaha qaybaha koonfureed ee dalka halkaas oo ay teeteel tahay shabakadda SWALIM ee la socodka cimilada. Rug Hawadeed Iswada (Automatic Weather Station (AWS)) oo  cusub ayaa lagu rakibi doonaa Baydhabo, Muqdisho, Jowhar iyo meel kale oo aan weli la go'aamin. Xogtii laga soo ururiyo shabakadda ilaaleynta  waxay gacan ka geysan doontaa la socdka daadadka iyo abaaraha iyo sidoo kale hawlaha horumarineed kuwaas oo ku tiirsan macluumaadka cimilada laga helo.

bridge media | nike flyknit racer on celebrity women hair

Somali