W-05 Xaaladda Mashaariic Waraab oo Dhexdhexaad ilaa Waaweyn ah oo gudaha Koonfurta Soomaaliya ka jira

Somali
Technical report
Title Language: 
Somali
Language: 
Abstract: 
Inkastoo beeraha waraabka ay ahaayeen isha-nolosha dhaqaalaha Soomaaliya ka hor bilowga dagaalka sokeeye ee 1990, wax badan oo macluumaadkii hababka waraabka oo dagaal hortii jirey ayaa lumay oo wax yar ayaa la og yahay xaaladdooda hadda ah. Warbixintani waxay muujinaysaa natiijooyinka ka soo baxay qiimayn ay SWALIM fulisay si loo ogaado xaaladda mashaariicda waraabka dhexdhexaad ilaa waaweynka ah oo ka jira gudaha Koonfurta Soomaaliya iyo kaabayaashooda waraabka. Waxaa la fuliyay dib-u- eegis qoraallo dhammeystiran, wareysiyo dad muhiim ah oo lala xiriiray iyo falanqayn ballaaran oo ah xog jeedaalin dareeme fog si loo gaaro natiijooyinka qiimaynta. Waxaa la soo saaray macluumaad gundhig ah oo ku saabsan biyoxireennada, habab kanaal iyo mashaariic waraab dabaded waxaa la dhisay xog-gundhig GIS ah ee kaabayaasha waraabka. Waxaa la ogaaday qiyaas 5000 km oo kanaalo ah markii barbardhig loola sameeyey masawirro dayax-gacmeed. Waxaa la aqoonsaday xuduudaha iyo xaaladda 34 mashaariic waraab oo dhexdhexaad ilaa waaweyn ah. Xogta si fiican ayaa loo habeeyay oo waxaa la heli karaa markii loo isticmaalo desktop GIS software ama software web ku salaysan oo Geonetwork ah. Natiijooyinka soo baxay, oo ay weheliyaan talooyin, ayaa waxaa la filayaa in ay aasaas u noqdaan dadaallada dayactirka kaabayaasha ee bulshada deeqbixiyaha.
Access conditions: 
Date of publication: 
October, 2007
Agris Subject Categories: 
Form: 
Notes: 
Source: