Wargelin SWALIM oo ku saabsan Dayactirka Qarkii Webiga ka Jabnaa Bayaxaaw

SWALIM hadda waxay si kalsooni leh ku warbixin karta in qarkii webiga ka jabnaa Bayaxaaw la xiray, bilowgii hore waxaa loo isticmaalay joonyado bacaad ah, marka mar dambe ayaa lagu xiray makiinado culus. Meeshii qarka webiga Shabeelle ahayd, ee hore loo soo sheegay in ay lahayd  ballar 50m ah iyo qoto ka dheer 5m,  waxay ku sababtay tuulada Bayaxaaw fatahaad ba’an oo soo dhaaftay ilaa bartamahii – Sebteembar, markii la bilaabay dadaallada lagu jirayo meesha furan si looga guulgaaro. Agabyo iyo qalab culus oo wax lagu dayactiray waxaa keenay NGO la yiraahdo “Gift of the Givers Africa”, halka hawsha gacanta ay qabteen bulshada dagaanka. Masawirka hoose wuxuu muujinaya shaqada oo socota si loo xiro gebiga jaban iyadoo la adeegsanayo makiinado culus.

  

Giftofvision - Sneakers search engine | Air Jordan

Somali