Daabacaado

Tobanka sano ee SWALIM ay hawgal ahayd, mashruucu wuxuu sameeyey guulo waaweyn oo ah inuu kordhiyey tiro iyo tayo macluumaad laga hayo biyo iyo dhul oo ay isticmaalaan garwadeenno siyaasad, hay’ado horumarin, qeybta lahaansho gaar iyo daneeyeyaal kale oo gudaha iyo dibedda Soomaaliya jooga. Wax badan oo xusuus hay’adeed oo halawday ama kal firirtay oo ku timid burbukii dawladda ayaa dib loo abuuray iyadoo loo maray soo uruurinta xogtii jirtey kahor dagaalka iyo waxqabad iyo helidda iyo horumarinta macluumaad cusub. SWALIM waxay xogtaan iyo macluumaadka ka dhigeysa wax la helikaro iyadoo loo marayo qaabab kala duwan, oo ay ka mid yihin  wargeysyo, Iimayl (email), qaylodhaamo, warbixinno goob, habab khad-shidan (on-line systems) iyo Daabacaado rasmi ah. Dabeecadda daabacaaduhu waa kala duwan yihiin oo waxay ku xiran tahay hadba daneeyeyaalka yoolka ah iyo ujeedada. Daabacaadaha SWALIM waxaa la mid ah:

  • Warbixinno Farsameed – Kuwani waxay tilmaamayaan hawgallo socda, horumarro, natiijooyin, talooyin iyo gunaanadyo laga sameeyey cilmibaaris farsameed iyo daraasado lagu sameeyey qeyha biyaha, dhulka iyo jeedaalin fog ee gudaha Soomaaliya.
  • Qaylodhaamo iyo Wargeysyo – kuwaan si joogto ah ayaa loo soosaaraa iyo hadba sida loogu baahdo si ay daneeyeyaal uga warhelaan duruufo hawo iyo ifafaale cimiladeed inta lagu jiro xilliyada cimilada kala duwan.
  • Buur-khariidadeedyo – SWALIM waxay soo saartay 2 Buur-khariidadeedyo muhiim : “The Atlas of Somali Water & Land Resources”/ Buug-khariidadeedka Kheyraadka Biyaha @ Dhulka Soomaaliya” ,kaasoo ay ku uruursan yihiin khariidado qarameed iyo kuwo goboleed oo muujinaya xuduudo maamuleed, Deegaanka dushiis, baxaalli dhul, cimilo iyo khariidado mowduucyo khaas ah oo la xiriira kheyraad biyaha iyo dhul; iyo“The Atlas of the Juba and Shabelle Rivers in Somalia"/ “Buug-khariidadeeeka Webiyada Juba iyo Shabeelle gudaha Soomaliya " , kaasoo muujinaya natiijooyinka dhacdooyin ku saabsan sahan sawirqaadid dayaaradeed oo la sameeyey sanadkii 2008 oo daboolaya dhul dhululuq oo leh ballar ah 5km oo jiidda dacallada labada webi ee joogta ah gudaha koonfur Soomaaliya.
  • Waraaqo-warside – “Wargelin cusub ee SWALIM” waa waraaq-warside afar-biloodle loo soosaaro si daneeyeyaasha loogu wacyigeliyo waxqabadyo socda iyo dhacdooyin gudaha SWALIM ah.
  • Warbixinno Mashruuc – Dhammaadka weji kasta, SWALIM waxay soosaartaa warbixinno daboolaya waxqabadyada ay sameysay iyo guulaha wejiga.
  • Daabacaado kale – SWALIM waxay soosaartay tiro daabacaado khaas ah sida, “Kheyraadka Biyaha iyo Dhulka Soomaaliya – ku baaqid Digtoonaan”, taasoo ah macluumaad uruurin loogu talagaley garwadeenno-siyaasadeed oo laga dheehday natiijooyinka sahanno farabadan, daraasado, xog uruurin iyo hawlqabadyo ay SWALIM ka fulisay kheyraad biyo iyo dhul. Waxaa weheliya, SWALIM waxay soosaartaa xaashiyo xaqiiq waran, qoraallo, buug-tusiyeyaal waxsoosaar iyo buugag  hab macluumaad ah oo xiriir la leh dhinacyo kala duwan oo hawsha SWALIM ah.
Somali