Iskaashi hay'ado Tacliin

Hay'ado Tacliineed oo leh kulliyado u qumaya arrimo deegaameed iyo khayraadyo dabiiciyeed waa daneeyaal muhiimad u ah SWALIM iyo isticmaaleyaal waaweyn  ee waxsoosaarrada macluumaadkeeda. Kaqalinjebiyeyaa hay'adahaan tactiimeed waxay siin kartaa musharaxiin badan  oo leh aqoon farsameed iyo karti si ay  u isticmaalaan macluumaadka SWALIM inay adeegsadaan barnaamij iyo horumarin siyaasadeed iyo shaqo ku meeleyn shirkado, ururro ama hay'ado dawladeed oo abaaraya maareyn khayraad dabiiciyeed.

Dadkaa dhallinyarada ah waa  koox muhiim u ah SWALIM maadaama ay matalayaan jiilka koowaad si ay u helaan wacyigelin qoto-dheer oo wax-u-lahaan karta khayraadyada biyaha iyo dhulka Soomaaliya iyo dhibaatooyinka ayaga soo food-saaraya. Ka muwaadiniin iyo siyaasad-dejiyeyaal mustaqbal, waxay mar-dambe abuuri karaan cod xoogan si ay ugu doodaan in isbedel lagu sameeyo isticmaalka kheyraadkaan iyo si raadhiis leh u maareyn  khayraad dabiiciyeed.

SWALIM waxay ku lug leedahay hawlgal joogto ah oo ay la wadaagto hay'ado tacliin si sahamiyo fursado iskaashi ay la yeeshaa mashruuca iyo shabakadaheeda la-hawlgalayaal.

SWALIM waxay hawgelisaa hay'ado tacliimeed iyadoo loo marayo waxqabadyo sida:

  • Siin layliyo arday ku jirta sanadka ugu dambeeya ee kulliyado muhiim ah
  • Abaabulid waxbarasho maalmo furan halkaasoo qalinjebiyeyaal mustaqbal ay ku arki karayaan waxa ay sameeyaan shaqaale farsameedka SWALIM iyo sida qof u samayn karo koboc xirfadeed gudaha mowduucyada.  
  • Khubado-jeedin ay qabtaan shaqaale SWALIM oo ku saabsan mawduucyo muhimad leh.
  • Siinta qalab waxbarasho jaamacadaha iyo ardayda iyadoo loo marinayo xafiisyada iskuxirka iyo xarumaha xogta.
  • Ku hawlgelin macallimiin ka tirsan hay'adaha hawlo ah qiimeyno iyo aqoon-isweydaarsiyo

Somali