Isticmaalka dhulka

Xoolo dhaqashadu waa isticmaalka dhulka qaalib ku ah gudaha Soomaaliya wuxuuna ku dhisan xoolo dhaqasho reer-guuraanimo oo uu ka mid yahay waxsoosaar kordhaya oo xoolo ganacsi la dhoofiyo. Wax soosaarkaan  wuxuu siiyaa isha ugu weyn ee dakhli gudaha Soomaaliya, wuxuuna afar jibaar ka badan yahay waxsoosaarka beeraha xagga qiime ahaan. Waxsoosaarka xoolaha wuxuu shaqo siiya wax ka badan 60% dadweynaha misna dakhliyada laga helo xoolaha wuxuu dhigmaa wax ka badan 80% dakhliyo lacag adag ee ay Soomaaliya dibedda ka hesho. Dalku wuxuu heer labaad kaga jiraa caalamka xagga dhoofinta idaha ka dib Awstaraliya. Xoolaha ay xoolo dhaaqatadu badanaa dhaqato waa riyo, ido, geel iyo lo’.

Noocyada kale ee isticmaalo dhul waxa ka mid ah beero-roobaad, beero waraab iyo keymo. Qaalibka qeybta waqooyi ee Soomaaliya waa oomane markaasna kama suurtogeli karto beero-roobaad marka laga reebo goobo yaryar ee dhulka ku hareereysan Hargeysa, Gebiley iyo Borama. Inta soo hartay gobolka, roob teelteel ah micnihiisu waxaa weeye beeruhu waxay ka suurtogeli karaan oo keliya meelo kale ay ka jiraan ilo biyo dhul-hoose si uu u taageero waraab. Tani waa caadi meelaha ciida biyokeentayda halkaas oo ceelal gaagaaban iyo ilo aan go’ayn laga helo oo biyo waraab laga darsando.    

 Xoolo-dhaqashada gudaha waqooyi Soomaaliya       

Gudaha koonfurta, beero-roobaad ayaa laga isticmaalaa gudaha dooxooyinka Shabeelle iyo Juba. Waxaa jira laba xilli oo dalagu baxo, taasoo waafaqaysa xilli roobaadyada Guga iyo deyrta. Dalagyada la beerto waxaa ka mid ah masago/haruur, geley/arabikhi, lows, digir, salbuko, sisin, moxog iyo khudrad. Dalagyadaan waxaa loo soosaara quud dad iyo calaf xoolaad labada. Waxasoosaarka beeraha waxaa caqabad ku ah waxyaabo ay ka mid yihiin sida qoto-gaabni iyo dhagaxley ciid ah, qoyaan yari ciid, isbedbedel roob di’id, ciid halow iyo yaraan bacrin ciid. Tiro tillaabooyin lagu dhawro ciid iyo biyo sida moosmoosid ciid, dhul u qaabeyn sida jaranjaro/sallaan, iyo biyo keydin (gudaha biyo-xireen, waro/balliyo iyo biyo-keydiyeyaal kale) ayaa loo isticmaala in la dawro ciido iyo biyo iyo fidiyo xilliga waxbaxayaan.

Beero waraab ayaa laga isticmaalaa gudaha koonfurta Soomaaliya dhulka dhoobeyda ku dhereran labada webi ee joogta ah (Juba iyo Shabeelle) iyo inta ku dhereran togag xilliileed iyo ilo burqada. Gudaha waqooyiga Soomaaliya, biyo waxaa laga helikaraa gudaha goobo ciid qoto-dheer oo loo isticmaaloo beero bustaano ah, ama laga helo ceelal gaagaaban iyo ilo burqada, kuwasoo ah ilaha ugu muhiimsan biyo lagu warrabiyo dalagyo, biyahaas oo goobaha beeraha lagu bamgareeyo/shubo.

Dalagyo waraab lagu beerto oo beero baaxad yar waxaa ka mid ah galey, sisin, geed-miroodyoiyo khudrad, halka dalagyo sida moos, seytuun, liin, cambe iyo babay loo beero si baaxad leh si loogu quuto gudaha.

     Hababka loo isticmaalo dhulka Soomaaliya

Dawr daraasadood oo ay SWALIM ka samaysay isticmaal dhul ayaa laga heilikaraa gudaha maktabadda daabacaadaha. Sifafaalooyinka isticmaallo dhul kala duwan ee gudaha Soomaaliya oo goobo gaar ah ayaa lagu soo koobay gudaha warbixinnada: Land Use Characterization of the Juba and Shabelle - Report No L-07 iyo Land Use Characterisation of a Selected Study Areas in Somaliland - Report No L-04.

       Babaay la waraabiyo Hargeysa agteeda                                   

                   

 

                                                                                                        

Somali