Kheyraadka Biyaha

Biyo waa xoogga socodsiiya dabiicadda

Leonardo da Vinci

Ma garankarno qiimaha biyaha ilaa ceelku engego

Thomas Fuller

Biyo waa nolol! Baahida loo qabo maareyn raandhiis leh/waarikarta ee kheyraadka biyaha ma aha waxes la yareysto. SWALIM waxay doondooneysaa in si xoogan kor loogu qaado isticmaalka macluumaadka biyaha ee go’aan-qaateyaasha:

  • In la ilaaliyo oo la hagaajiyo kheyraad biyo iyo in si waxkuool loo maareeyo biyo dhul hoose iyo biyo dusha sare haddii ay tahay isticmaal madani ah, mid beereed, mid ganacsiyeed, mid warshadeed, madadaaleysi, iyo mid deegaaneed.
  • In la yareeyo khasaaro nafeed iyo mid hanti, sida natiijo haliso dabiiciga ah oo biyo la xiriira, sida daadad iyo abaaro, iyadoo loo marayo habab digniin hordhac ah.
  • In laga qayb qaato horumarin dhisme-jir iyo dhaqaale raandhiis leh ee kheyraadka dabiiciga Soomaaliya si faa’ido u leh jiilal jooga iyo kuwa mustaqbalka.                                                                                                                                                                  Fetching water at Cusbo Eelo Dam

Qeybo aan diirad saareyno xagga biyaha waxaa ka mid:

  • Bixin macluumaad biyo kaasoo u faa’idenaya hay’ado dawladeed iyo kuwo aan dawli ahayn iyo mawaadiniin Soomaaliyeed.
  • Fulin cilmi-baaris kheyraad biyo
  • Dejin nidaam lagula socdo kheyraad biyo iyo cimilo
  • Siin digniin hordhac ah ee haliso dabiici ah sida daadad iyo abaar

Marka eego cimilada qaalibkeed engegan ee Soomaaliya, biyuhu waa kheyraad  qaali ah oo saameeya barbaxa qeybaha oo dhan. Biyo ku tiirsanaanta waxaa sii xoojinaya in run ahaantii Soomaalida badankeed hab- nololeedkoodu ku xiran yahay beero iyo xoolo. Marka la reebo meelo kooban oo roob fiican hela oo suurogeliya beero-roobaad, inta badan Soomaaliya waa oomane  iyo yara-oomane, oo waxbeerashadu waxay ku suurogeli kartaa oo kelya in waraab la isticmaalo. Beeraha waraabka waxaa laga isticmaalaa gudaha koonfurta gaar ahaan dacallada webiyada Juba iyo Shabeelle iyo beero yaryar oo ku yaal dooxyinka waqooyiga iyo ilo dabiici ah. Xooluhu waa yihiin isha hab-nololeed ugu badan ee jira qaybo u badan Soomaaliya.Sanado badan, Mashruuca SWALIM wuxuu horumariyey habab lagula socdo biyaha dusha sare iyo kuwa dhul-hoose ee gudaha Soomaaliya si loo taageero, qorshaynta, horumarinta iyo isticmaal raandhiis leh ee kheyraadka gabaasiyaya ee qiimaha leh ee dalka.

                                          

Somali