Akhbaarta iyo Dhacdooyinka SWALIM

SWALIM Waxay qabataa Aqoon Isweydaarsi Xagga Internet (Webinar) oo ku saabsan Uruurinta Xogta Dhulka iyo Biyaha Soomaaliya oo La- isticmaalayo Telefoonnada Casriga ah (Smartphones) ee Qiimaha Jaban

Mashruuca Maareynta Macluumaadka Biyaha iyo Dhulka Soomaaliya wuxuu ka mid yahay barnaamijyada tirada yare ee horumarinta ee Qarammada Midoobay (UN) si loo helo maareyn macluumaad sida hawgalkeeda aasaasiga ah, iyadoo la isticmaalayo farsamooyin sida Hababka Macluumaadka Joqraafiga (GIS), Khariideyn dareeme fog iyo xog uruurin loo adeegsado aaladaha teleefanka gacanta iyo dabaqaadaha mareeg casri. http://bit.ly/2r9Fyz2

Somali

SWALIM waxay Muqdisha ku qabatay Maalin Bandhig ah

Markii labaad oo qura, 4 Oktoobar, 2016, SWALIM waxay munaasabad maalin bandhig ah ku qabatay gudaha caasimadda Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Somali

Wargelin SWALIM oo ku saabsan Dayactirka Qarkii Webiga ka Jabnaa Bayaxaaw

SWALIM hadda waxay si kalsooni leh ku warbixin karta in qarkii webiga ka jabnaa Bayaxaaw la xiray, bilowgii hore waxaa loo isticmaalay joonyado bacaad ah, marka mar dambe ayaa lagu xiray makiinado culus.

Somali

SWALIM Waxay Hagaajisaa Habab Kormeerid Biyo- Dhuleed

Si loo hagaajiyo kormeeridda biyo-dhuleedka, SWALIM waxay heshay qalab la soconaya xaaladda jirta  ee Biyo- Dhuleedka (oo loo yaqaan quuseyaal (divers) oo lagu rakibo meelaha ceel-biyoodyka  ah ee magaalooyinka waawey ee dalka oo idil ku yaal. Quusayaasha cusub waxay maalintii laba jeer soo qoraan heerka biyaha, milixda iyo heerkulka ceelasha, dabadeed waxay soo gudbiyaan xogta iyagoo marinaya dayax-gacmeed waqtiga dhow ee dhabta ah.

Somali

SWALIM Waxay Fidinaysaa Shabakad Kormeerid Cimilo

SWALIM waxay iskaashi la sameysay Wasaaradda Beeraha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) si loola socdo xaaladda cimilada gudaha Soomaaliya. Wadajir ayey Wasaaradda iyo SWALIM ugu rakibi doonaa afar saldhig cimiladeed iswada (automatic) oo dheeraad ah iyo laba qalab-gacmeed oo roob-beeg ah (roob cabire) gudaha qaybaha koonfureed ee dalka halkaas oo ay teeteel tahay shabakadda SWALIM ee la socodka cimilada. Rug Hawadeed Iswada (Automatic Weather Station (AWS)) oo  cusub ayaa lagu rakibi doonaa Baydhabo, Muqdisho, Jowhar iyo meel kale oo aan weli la go'aamin.

Somali

La-hawlgalayaasha SWALIM iyo Hay'adaha Musiibooyinka Maxalliga

SWALIM waxay wadaa inay xoojiso la-hawlgalideeda maamullada maxalliga ee maareynta musiibooyinka; sida HADMA, NERAD, iyo SoDMA oo kala jira gudaha Puntland, Somaliland iyo gobollada koonfureed iyo Bartamaha. La-hawlgalyada waxaa lagu doonayaa in la xoojiyo hababka digniinta hore ee hadda ka jirta gudaha Soomaaliya. Bisha July waxaa tababar ku saabsan Yareynta Halista Musiibooyinka iyo Digniin hore lagu qaban doonaa mid kasta oo ka mid ah saddexda gobol si loo kordhiyo awoodda maxalliga ah oo loo yareeyo khataraha musiibooyin oo la dhiso adkeysiga bulshada.

Somali

SWALIM Waxay Qabataa Bandhig Macluumaad Wadaagis

SWALIM waxay u qaban doontaa shaqaalaheeda iyo la-hawlgalayaasheeda laba " Maalin oo Macluumaad Wadaagis" oo ay ugu qabnayso xafiisyada FAO Soomaaliya ee Nairobi 12 iyo 13 July, 2016. Maalmaha uu furan yahay bandhiggu waxaa la damacsan yahay in daneeyayaasha lagu wargeliyo hawlaha SWALIM iyo in lala wadaago habka xilgudashada ugu habboon, iyadoo ka qaybgalayaasha loo oggolaanayo in ay xogogaal u noqdaan farsamooyinka soo baxaya oo ay si waaqici ah u arkaan hababka qiimaha leh ee cusub oo ay SWALIM u isticmaasho ka guulgaarista hawlaha loo igmaday.

Somali