Tix/Liis Wejiyo

  • Wejiga IV

    Wejiga IV, kasoo ka bilowday Feberaayo 2010 ilaa Janawari 2012, wuxuu ujeedey in la xaqiijiyo in la helikaro macluumaad ku saabsan biyo iyo dhul oo suurogeliya  go'aan-qaadasho ku salaysan cadaymo haday tahay gurmad degdeg, dayactir, horumarin, iyo maareyn kheyraad dabiiciga ah.

  • Wejiga III

    Ujeedooyinka wejiga III, oo soconayey Feberaayo 2008 ilaa disheembar 2009, waxay ahaayeen hore sii marinta la socodka shabakado shaqo dhul iyo biyo, qiimayno kheyraad, iyo kor u qaadida awoodda maareynta kheyraadka gudaha dalka. Dadaalkaan waxaa loogu talagalay ugu horreytii maamullo Soomaaliyeed, hay’ado, iyo daneeyeyaal kale oo la xiriira door ka ciyaareyaal caalami ah, oo la xoojiyey iyadoo loo marayo hannaan la hagaajiyey oo u darban habab maareyn macluumaad.

  • Wejiga II

    Inta lagu jirey wejiga II, kaasoo socday laga bilaabo Oktoobar 2004 ilaa Sateembar 2007 oo ku dhismey guulihii la gaarey wejigii koowaad, Ujeedooyinka SWALIM waxay ahaayeen inay isu soo uruuriso oo ka dhigto wax la helikaro oo sax ah oo waaqicaga la socda macluumaadka kheyraadka biyaha iyo dhulka  si loo taageero oo la suurogeliyo inay hagaagtey sugnaanta biyaha iyo cuntada, sidaas si la mid ahna kor loo qaado isticmaalka raandhiis leh ee kheyraadka dabiiciga oo ay iska leeyihiin dadweynaha Soomaaliya.

  • Wejiga I

    Wejiga I ee mashruuca (ay Maalgelisey EC) waxaa la hirgeliyey laga soo bilaabo Juun 2003 ilaa Feberaayo 2004 iyaadoo ulajeedadu ahayd in la siiyo gundhig cusub macluumaadka biyaha iyo dhulka gudaha Soomaliya. Wejigaan waxaa kale oo uu taageero farsameed siiyey in la hagaajiyo qorshaynta iyo awooda hirgelinta la-hawlgaleyaal ka tirsan hay’adda Iskuduwidda  Gargaar Soomaaliya (SACB).

  •  Abuuritaanka

    Wajiga abuuritaanka mashruuca waxaa lagu maageliyey kaalmo dawladda Talyaanigu bixisay oo ujeedey in la qotomiyo saldhigga maareynta kheyraadka biyaha iyo dhulka gudaha Soomaaliya. Diiradda waxaa la saaray sidii dib lagu heli lahaa oo loo soo uruurin lahaa hantidii macluumaadkii lumay, kala firdhaday oo waxyeeloobay laga soo bilaabo mudadii ka horreysay dagaalka iyo in la abuuro kaabeyaal lagu maareynayo laguna ballaarinayo hantidaan.

Somali