SWALIM waxay Muqdisha ku qabatay Maalin Bandhig ah

Markii labaad oo qura, 4 Oktoobar, 2016, SWALIM waxay munaasabad maalin bandhig ah ku qabatay gudaha caasimadda Dawladda Federaalka Soomaaliya. Munaasabaddu waxay ahayd mid si fiical looga soo qaybgalay, oo ilaa sodon kaqaybgale ay ka socdeen dawladda, bulshada rayadka  iyo aqoonyahanno jaamacaeed, sidoo kale hawl-la-wadaag iyo wakkiillo ka socoda hay’ado samafal oo xiriir-wadaag la ah. Si ka duwan maalmihii bandhigyadii hore, markaan inta badan war soo jeedinnada iyo doodaha waxaa lagu fuliyey Af Soomaali, waxaa isbedelka  si xoog leh u qadariyey ka-qaybgalayaasha.

Kaqaybgalayaasha xafladda furitaanka waxaa ka mid ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Dawladda Federaalka Mudane Maxamuud Maxamed Maxamuud, Wakiilka FAO ee Soomaaliya, Richard Trenchard.

Mudane  Richard wuxuu ku  furay hawl-socodka erayo badan faanin iyo qadarin isugu jira oo uu soo jeediyey Mashruuca Maareynta Macluumaadka Biyaha iyo Dhulka Soomaaliya (SWALIM).Sida  uu qabo Wakiilka FAO, “SWALIM waa mashruuc calanside ah oo laga xurmeeyo hareeraha adduunka” oo sameeyey qaar ah “hawlo aan la maleyn karin” intii lagu jirey xilligaan mashruuca, oo ah midkii shanaad tan iyo markii la bilaabay ee 2001/2. Xilligaan lagu jiro wuxuu ku qorshaysan yahay inuu soo gabagaboobo bartamaha Feebaraayo 2017 hadana shaqadu goor horaba  waa socotaa in la diyaariyo xilli kale oo soo socda.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha, oo ku hadlay labada luqo Ingiriis iyo Soomaali, wuxuu ammaanay shaqada  ay SWALIM wadday sanadaha badan wuxuuna rajeeyey inay hore u sii socdaan sanado aad u badan oo kale oo taageero laga helo barnaamijkaan FAO oo muhiimka ah. Mar u ammaanayey dadaallada si loogu wareejiyo xirfadaha iyo xilalka dadka Soomaalida ee taageero-geysta, agaasimuhu wuxuu ka digey in SWALIM ay si degdeg ah hawlaha uga baxdo.

Asics footwear | nike alpha menace shark boys skin color names

Somali