SWALIM Waxay qabataa Aqoon Isweydaarsi Xagga Internet (Webinar) oo ku saabsan Uruurinta Xogta Dhulka iyo Biyaha Soomaaliya oo La- isticmaalayo Telefoonnada Casriga ah (Smartphones) ee Qiimaha Jaban

Mashruuca Maareynta Macluumaadka Biyaha iyo Dhulka Soomaaliya wuxuu ka mid yahay barnaamijyada tirada yare ee horumarinta ee Qarammada Midoobay (UN) si loo helo maareyn macluumaad sida hawgalkeeda aasaasiga ah, iyadoo la isticmaalayo farsamooyin sida Hababka Macluumaadka Joqraafiga (GIS), Khariideyn dareeme fog iyo xog uruurin loo adeegsado aaladaha teleefanka gacanta iyo dabaqaadaha mareeg casri (modern web applications). Iyadoo oo uu kor kala soconayo Ururka Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO), SWALIM waxa ay awooday inay si guul leh u soo bandhigto habab farsamadeed cusub oo kala duwan si loogu faa'ideeyo bulshooyinka ku tiirsan khayraadka dhulka iyo biyaha burburi kara, inkasta oo deegaanka Soomaaliya uu aad u qalafsan yahay.

Tan iyo markii la bilaabay sannadkii 2001, SWALIM waxay raadineysay in ay isticmaasho ICTs si ay u gaarto ujeedooyinkeeda, soo bandhigid qaabab cusub iyo habab ku habboon deegaan gaar ah ee ay ka hawlgasho. Markii barnaamijku horumaray, maareyeyaashu waxay si gaar ah u daneeyeen in la hubiyo in hindisuhu isticmaal buuxa u’ leeyahay farsamooyinka kama dambaysta ah marka ay soo baxaan. Sidaas darteed, SWALIM waxay noqotay isha ugu wayn ee laga helo macluumaad lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan khayraadka dhulka iyo biyaha Soomaaliya, oo saldhig u noqonaya kordhinta sugnaanta cuntada iyadoo loo marayo beero raandhiis leh.

Iyada oo la adeegsanayo Aqoon Isweydaarsi Xagga Internet oo isdabajoog ah shaqaalaha mashruuca SWALIM wuxuu doonayaa inuu macneeyo tabaha cusub ee ICT-da loo isticmaalay oo uu la wadaago casharada laga bartay xubnaha Bulshada e-Beeraha ku Dhaqanta (e-Agriculture Community of Practice) iyo ka qaybgalayaasha kale ee danaynaya.
Soo bandhigidda kowaad ee Aqoon Isweydaarsi Xagga Internet (Webinar) wuxuu ahaa mowduuca Uruurinta Xogta Dhulka iyo Biyaha gudaha Soomaaliya oo La- isticmaalayo Telefoonnada Casriga ah (Smartphones) ee Qiimaha Jaban. Xog ka soo ururinta meelaha fog-fog ee Soomaaliya waxa adkaynaya arrimo badan oo ay ka mid yihiin caqabado ammaanka khuseeya oo xannibaya dadka aan dagaanka u dhalan, xannibaad ku saabsan isticmaalka qalabka xog ururinta sida GPS iyo kamaradaha iyo xannibaado xagga isgaarsiinta iyo kuwo kale. Si loo wajaho caqabadahaan, SWALIM waxay sameysay meel aalado lagu uruuriyo xogta dhulka iyo biyaha oo ku saabsan software il furan oo laga helikaro Telefoonno Casri ah (Smartphones) oo qiime-jaban. SWALIM waxay farsamadaan u isticmaashaa in ay sameyso xog ka soo ururin tayo sare leh goobaha dibedda ee ammaanku xaddidan yahay oo natiijooyin ayaa lagu helayo muddo gaaban. Kuwaan waxaa la adeegsan karaa ha jiro ama yuusan jirin xiriir shabakad internet ah, waxaana loo isticmaalaa in lagu keydiyo xogta la soo uruuriyey si mar dambe ay u dhacdo gudbin ama ku wareejin koobbiyuutar. Xogta la uruuriyey waxaa lagu wareejiyaa koombiyuutar dhexe, kaas oo xogta u bedela qaabab sargoys leh oo loogu talagalay xog iskuduwid, isku dumid iyo falanqayn. Xogta la uruuriyey waxaa si iswada loola xiriiriyaa bar-kulannada macluumaadka khadka SWALIM (SWALIM online information platforms) oo laga dhigay mid khubarda farsameed ay waqti dhabtii dhow ay ka heli karaan.
Waxaad ka heli kartaa Webinar-ka adigoo u maraya xiriirka: http://bit.ly/2r9Fyz2
Giftofvision - Sneakers search engine | Giftofvision - Luxury, Premium & Contemporary Shopping

Somali