<<<<AKHBAAR SIIDEYN – SABTEEMBAR 23, 2016>>>>

SWALIM waxay siideynaysaa warbixinta ugu dambaysa oo ku saabsan Gebiyo-jajabyo Webi

Falanqayn daba socota masawirrada dayax-gacmeedkii ugu dambeeyey, qaar ay dhaw yihiin oo ay yihiin kuwii toddobaadkii la soo dhaafay (17 Sabteembar2016), SWALIM waxay siideysay farriin cusub oo ku saabsan xaaladda Webiyada Juba iyo Shabeelle ka hor roobab xilliyeedka Deyrta, kuwaas oo la filayo inay bilowdaan bartamaha Oktoobar (qiiyaas waqti saddex toddobaad ay naga xigto).Sida xogtu muujinayso, waxaa jira tiro badan oo gebiyo jajabsan ah ama jabab suurogal ah, oo kordhinaysa halisaha fatahaadda marka heerka webigu uu degdeg kor ugu kaco.

Mashruuca Maareynta Macluumaadka Dhulka iyo Biyaha Soomaaliya ee FAO (SWALIM) wuxuu si joogto ah ilaaleeyaa gebiyada jajaba ee webiga iyo meelaha fatahaad ka suurogali karto jiidda Webiyada Juba iyo Shabeelle gudaha Soomaaliya. Kormeeridda waxa lagu sameeyaa iyadoo la adeegsanayo muuqaal  masawirro dayax-gacmeed oo aad u bayaansan- oo lagu biiriyo soo eegid goobta halkii ay ka suuroobi karto. Ulajeedada hawshaan  waa in la aqoonsado meelaha taagta daran ama jajabsan ee jiidda gebiyada webiga halkaas oo biyuhu si fudud uga bixi karaan marinka webiga oo aadi karaan dhulalka ku hareereysan, iyagoo sababaya fatahaado. Waqti haboon iyo hawlo diyaargarow oo si fiican looga baarandagay waxay ka hortagi karaan masiibooyin haleela meelo badan, gaar ahaan  meelaha aadka u nugul ee Shabeellaha Dhexe iyo Hoose.

Kormeerka jajabka caadi ahaan wuxuu bilowdaa qiyaastii bil kahor xilliyada roobabka oo ka bilaabata bartanka-Oktoobar(Deyr) iyo Abriil-May (Gu). Goobaha furan/tag daran ee jiidda labada webi waxaa la gaarsiiya hawl-wadaagta horumarinta, maamullada dagaammada iyo bulshooyinka si ay u sameeyaan falgal waqti hore,   inta aysan roobabku bilaaban, oo loo dayactiro gebiyada. Marka dabadeed kormeerku wuu sii socdaa inta lagu guda jiro xilli roobaadka oo waxaa la ogeysiiyaa daneeyeyaasha jabjabyo cusub oo samaysmaya marka webigu kor u kaco.

Iyadoo  la isticmaalayo masawirrada dayax-gacmeedaka oo cusub iyo warbixinnada goobta gudaha, SWALIM waxay hadda casryaysay xaaladda xogta webiga ee meelaha jajaban, hadda oo ah bartanka-Sabteembar2016. Ilaaaleynta waxaa la sameeyey idayoo lagu saleysan masawirrada dayax-gacmeedka ugu dambeeyey ee la hayo. Waxaa la ogaaday in jiidda Webiga Shabeelle ay ka jiraan toddoba (7) gebi oo furan, halka Webiga Juba la arkay wax badan ilaa 63. Meelo badan oo kale ay la ogaaday in jabjabku “  suurogal” yahay, oo macnuhu yahay si fudud ayey u jabi karaan marka heerarka webigu ay kor u kacaan oo qulqulku xooganaado.

Marka la barbardhigo warbixintii u dambeysay oo dhammeystirnayd, kahor roobabkii Gu’ga, Webi Shabeelle waxaa ka muuqday jajab aad uga yar waqtigaan oo kale, ka hoosayn ilaa 7 ah  oo hoos uga  soo dacday 19 ay ahaayeen  19-kii Feebaraayo. Tan waxaa lagu tiirin karaa in ay ku timid baraarujinta oo kor loo qaaday oo ay ugu wacan tahay SWALIM joogteynteeda ilaaleynta iyo warbixinta, iyo sidoo kale hawlqabadyada hay’adaha kala duwan ee la kordhiyey (ay ku jirto FAO) si looga hortago fatahaado ka dhaca jiidda webiyada.

Juba, dhanka kale, wuxuu la kulmay koror jajabka badan oo la arkay qiyaastii waqtigaan oo kala. Marka laga soo tago 23 jajab la arkay Feebaraayo wuxuu hadda jajabku u booday 63. SWALIM waxay maleynaysaa in tan lagu tilmaami karo inay ka dhalay koror ku yimid hawlaha beeraha gudaha nawaaxiga, iyadoo beeraleydu ay jajabinayaan ama ay hoos u qodayaan jajabka gebiyada si ay ugu waraabiyaan beerahooda. Sidoo kale xaddiga hawlaha dib u hagaajintu waa ku yar yahay Juba maxaa yeelay meelaha qaarkood  ma aha kuwo ay tagi karaan hay’ada gargaarku sababo ammaan awgood.

Masawirrada hoose waxay muujinayaan raadadka fatahadda ee ka yimid jajabka gebiyada webiga Juba intii lagu guda jirey xilligii Gu’gii hore, ee May 2016. http://systems.faoso.net/frrims/rivers/breakages.

 

 

latest Nike Sneakers | Nike Dunk Low SP University Red - Grailify

Somali
Thumbnail Image: 
Feature Article: 
Yes