Xaafiiska iskuxirka

In badan oo daneeyeyaal muhiim ah ee SWALIM ma laha khibrad farsameed iyo khayraad maadi ah oo loogu baahan yahay in la horumariyo, la tarjumo iyo in la maareyo macluumaad ku saabsan khayraad biyo iyo dhul. Si loo xaqiijiyo helitaan iyo isticmaal suuban ee waxsoosaarkeeda iyo adeegyadeeda, SWALIM waxa ka furtay saddex xaafiis oo iskuxir sanadkii 2006, gudaha Hargeysa si uu adeeg u siiyo Soomaaliland, gudaha Garoowe si uu adeeg u siiyo Puntland iyo gudaha Baydhabo si uu adeeg u siiyo koonfur iyo bartamaha  Soomaaliya. Inkasta oo xaafiiskii Baydhabo la xiray sababtuna tahay ammaan darro, waxaa jira dadaalo soconaya oo xaafiis looga furayo Muqdisha. Shaqaalaha hawlwadeennada xaafiiska iskuxirka waxay si joogto ah uga  helaan horumarin awood khubarada SWALIM. Qoto-dhererka aqoontooda macluumaadka kheyraadka biyaha iyo dhulkala ee laga helayo SWALIM ayaa muhiim ka dhigaya xiriirka ay la yeeshaan daneeyeyaalka iyo ka faa’ideysteyaalka.  

Xaafiisyada iskuxirka waxay bixiyaan labo adeeg oo muhiim ah:

♦ Kordhinta helitaanka macaamiisha ee waxsoosaarka SWALIM

Xaafiisyada iskuxirku waxay bixiyaan madal macaamiisha jooga gudaha Soomaliya ay toos wax u soo weydiistaan oo ay helaan macluumaad biyo iyo dhul. Xaafiiyadu waxay leeyihiin meel lagu keydiyo(arkiifiyo) waxsoosaarka macluumaadka biyaha iyo dhulka iyo maktabad tixraac. Maktabadaha tixraaca waxaa ku keydsan tixraacyo qoraallo biyo iyo dhul oo muhiim ah, tusaale sida warbixinno  iyo daraasado ka hor-dagaalka, qoraallada FAO ee biyaha iyo dhulka  iyo dhammaan warbixinnada farsameed ay SWALIM soo saartay tan iyo bilowgeedii. Xaafiisyada iskuxirku waxay sidoo kale  caawiyaan horumarinta goboleed ee xogta tuuran  laga hayo biyaha iyo dhulka, oo waxay ka qeybqaataan dhisidda awooda Soomaalida si ay u soo uruuriyaan, u maareeyaan, una xanaaneeyaan xogta biyaha iyo dhulka.

♦ La xiriiridda wasaaradaha dawladda

Dalalka inta badan, uruurinta xogta biyaha iyo dhulka waxaa maareeya wasaaradaha dawladda si loo xaqiijiyo muddo dheer sii socoshada. SWALIM waxay hirgelisay wada shaqayn dhow ee wasaaradaha dawladda, maadaama hay’adaha loo dhisay si ay qaadaan xil shabakad wadashaqan ee uruurinta xogta biyaha iyo dhulka ee mustaqbalka. Xaafiisyada iskuxirku waxay door muhiim ah ka qaataan dhisidda iskaashi dhex mara SWALIM iyo wasaaradaha dawladda muhimadda leh. SWALIM waxa samaysay barnaamij awood horumarin ballaaran oo ku aadan wasaradaha u xilsaaran  si ay ugu suurogasho in ay xannaaneeyaan oo maareeyaan xogta saldhigga u ah biyaha iyo dhulka midba gaar ahaantiis.

Si loo geesinimogeliyo ka qaybgalka iyo ku lug lahaanshaha wasaaradaha, waxaa laga dhisay Guddiyo Goboleed Iskuduwid (RCC) ah gudaha Soomaaliland iyo Puntland. Guddiyo goboleed iskuduwiddu waxay hogaamiyaan oo iskuduwaan wadashaqaynta wasaaradaha dowladda kala dhexaysa SWALIM iyo xaafiisyada iskuxirka. Waqtiga dheer, SWALIM waxay doonaysaa in ay hawlaha xaafiisyada iskuxirka ku wareejiso maamullada Soomaaliyeed ama hay’ado ku qalabaysan awood ay ku maareeyaan macluumaadka biyaha iyo dhulka.

Xaafiisyada iskuxirku waxay u furan yihiin macaamiisha laga bilaabo Axad ilaa Khamiis 8:oo saac subaxnimo ilaa 04.30 saac galabnimo ( ama 2:oo saac subaxnimo ilaa 10.30 saac galabnimo). Wax weydiino iyo codsiyo ayaa sidoo kale lagu soo samaysan karaa ayadoo loo marayo email: swalim@fao.org . Dhammaan waxsoosaarka SWALIM waxaa lagu bixiyaa kharaj la’aan ah.

Somali