Adeegyo macmiil

In badan oo macluumaadka ay heshay iyo kan ay soosaartey SWALIM sanadahii laga soo gudbey waxaa loo keydiyey qaab ah buugaag iyo warbixinno. Daabacaadahaan waxaa laga helikaraa marka macaamiisheenu ay gasho khad-shidan (online) oo Internet ah iyo marka tagaan maktabaddayada ugu weyn ee daalacashada oo ku tal gudaha Nayroobi. Intaas waxaa raaca, macaamiishu waxay xor u yihiin  inay booqdaan xaafiisyada isku-xirka iyo sidoo kale xarumaha xog-ururinta ee ku yaal gudaha wasaaradaha deegaanka, biyaha iyo beeraha gudaha Hargeysa (Soomaaliland) iyo Garoowe (Puntland), halkaasoo laga helikaro macluumaadkayaga oo nuqullo adag (waraaq ku daabacan) iyo kuwo khafiif (cajal) ah (hard and soft copies). Macaamiisha socotada ah waxay awoodaan inay helaan nuqullo khariidado adag (xashi) iyo xog digital oo (sida qaabab feylal iyo shax-xisaabeed (such as shape files or tabular data)) digsi ah (CD) ama DVD ah iyo tusaalayno ah sida loo isticmaalo macluumaadka ku jira xeradayada internet si ay ula soo baxaan macluumaadka ay u baahan yihiin.

Dhammaan macluumaadka SWALIM waxaa lagu helikaraa lacag la’aan- waxaan u baahan nahay oo keliya in loo tixgeliyo FAO/SWALIM inay tahay isha laga helay marka la isticmaalayo macluumaadka.

Somali