Cimilada
Soomaaliya waxay leedahay cimilo u dhaxeysa yara-oomane iyo oomane. Muuqaallada ugu muhiimsan cimilada jirta waa xilliyo qoyan iyo kuwa engegan iyo jiritaan la’aanta wax weyn oo isbedel heerkul xilliyeed ah. Roobku waa waxa ugu muhiisan jawiga (meteorological) oo saameeya nolosha gudaha Soomaaliya. Waa waxa qeexaya sifaalaha cimilada iyo kala duwanaansho weyn leh xag masaafad ollog iyo waqti. Isbedelka muuqda xilli ka xilli iyo isbedellada jira isla xilliyada dhexdooda waa waxa dhaliya guulaha ama guldarrada waxqabadyada beereed.
Sannadku wuxuu u qeybsamaa afar xilli sida soo socota:
- Jilaal: waa diirimaad, qoraxeed, iyo xilli engegan laga bilaabo Disembar ilaa bartamaha Maarso.
- Gu’: Xilli roobaadka ugu muhiimsan oo ka bilowda bartamaha Maarso oo sii socda ilaa Juunyo.
- Xagaa: waa qabow, engegan, yara daruureeya oo ka bilowda Luulyo siina socda ilaa bartamaha Sebteembar; qaar ka mid ah goobo cimilo ee jiidda xeebta koonfureed iyo gudaha Gobollaada Waqooy Galbeed waxay helaan qadar roobab macnaleh ah.
- Deyr: xill roobaadka labaad, oo ka bilawda Sebteembar ilaa Nofeembar.
Tafaasiill dheeri ah oo cimilada Soomaliya ah, kala soo bax (download) Cimilada Soomaaliya, warbixin farsamaad ay soosaartay SWALIM sanadkii 2007 oo isticmaalaya xog dhammaytiran ee waqti aad u dhaw oo laga helikaro rugta xogkeydiye caalamiyeed ee FAO (ee muddada u dhexaysey 1963- 1990). Halka rugta xogkeydiye aysan lahayn macluumaad goobo qaar waqtiyo qaarkood, xogta maqan waxaa laga dheehday (lagala soo dhexbaxay) midii hore si loo hagaajiyo falanqaynah Warbixin Cimilo ee Soomaaliya.
Seasons of Somalia