Ogaanshiyo goobo dhuxul laga soosaaro gudaha koonfurta Soomaaliya iyadoo la isticmaalayo masawirro si heer sare u bayaansan

Somali
Technical report
Title Language: 
Somali
Language: 
Abstract: 
Ka dib markii wax ka badan 20 sano ay xasilloonni darro rayid jirtey, macluumaad deegaaneedka ee Koonfur Soomaaliya waa yar yahay halka markhati cad oo ah in dhaqaalaha dagaalka uu sii shiday colaadda oo degdeg u ciribtiraya khayraadka dabiiciga ah ee dalka, gaar ahaan geeda la shito. Geedaha dhuxusha laga soo saaro waa mid ka mid ah ganacsiyada ugu xoogan ee taageeraya dagaal oogeyaasha sida kooxda Islaamiga xagjirka Al Shabaab, taasoo xukumaysay Koonfurta Soomaaliya laga soo bilaabo 2006 ilaa 2012 oo welina ku dambaysa qaybo ballaaran. Daraasaddan, markii ugu horeysay ayaa loo isticmaalay masawirro dayax-gacmeed oo si heer sare u bayaansan horaantii sanadkii 2011 iyo horraantii 2013 si loo soosaaro hannaan khariidayn kalabar-automaatik ah ee goobo dhuxul soosaar si tusaale muuqda u ah geedo baabi’in gaartey aag deegaan oo 6000 km2 ka badan oo ku yaal hareeraha Webiga Juba gudaha koonfur Soomaaliya. Saxnimada isticmaalaha hab kalabar-automaatik ah ee baaris goob dhuxul soosaar waxay kala duwanaadey qadar u dhaxaysa 81,7% sanadkii 2011 iyo 87,3% sanadkii 2013, halka saxnimada soo saarahu ahayd 68,2% iyo 65.5% midkiiba, marka la barbadhigay tarjumo muuqaal, oo waqtigii loo baahnaa si weyn u yaraysay. Falanqaynta isbeddellada u dhexeeya labada taariikh waxay noqotay in qiyaasta khasaare geedo uu celcelis ahaan yahay 3.3%, oo u dhigmaysa 520.520 oo geed muddo 2 sano ah. Natiijooyinku waxay caawinayaan in si fiican loo fahmo xaddiga iyo saamaynta dhuxul soo saarku gaarsiisanyahay gudaha Koonfur Soomaaliya waana tallaabadii ugu horeysay oo loo qaado dhinaca horumarinta habka kormeerka iyo la socoda dhuxul soo saarista.
Access conditions: 
Date of publication: 
March, 2014
Agris Subject Categories: 
Form: 
Notes: 
Source: