Saadaasha Roob-di’idda Soomaaliya - 01 April 2020

Somali
Rainfall Outlook
Title Language: 
Language: 
Abstract: 
Dhowrkii maalin oo dambe roob-di’iddii waa yaraatay guud ahaan Soomaaliya iyadoo xarumaha badankood ay diiwaangeliyeen roobab fudfud ama roob la’aan. Sidoo kaleb Buuraleyda sare ee Itoobiya qudheedu ma aysan diiwaangelin roobab macna leh. Saadaasha roob-di’idda ee todobada maalin oo socota waxay leedahay roobabku waa sii yaraanayaan meelaha intooda badan marka laga reebo koonfurta cirifika u dambeeya dalka gudaha Jubada Hoose halkaas oo ay ka sii socon doonaan roobab fudfud. Ma jiraan roobab laga odorosayo gudaha buuraleyda Itoobiya toddobada maalin ee soo socota. Roobab la’aanta la arkay dhowrkii maalin oo dambe, waxay keentay in heerarka webigu ay hoos u yara dhacaan oo ay gaaraan heer caadiga ka hooseysa waqtigaan kale sanadka. Waxaa la filayaa in xaaladda ay sidaas ku sii socoto ilaa roobab la helo bartamaha Abriil. Macaamiisha waxaa lala socodsiinayaa in tani tahay saadaal oo marmarka qaarkood ay kala duwanaadaan qiyaasaha iyo xaddiyada dhabta ah ee roobabka la helay. Macluumaadka saadaasha iyo heerarka webiga la arko waxaa loo cusboonaysinayaa si maalinle ah oo waxaa laga heli karaa xiriir kan: http://frrims.faoswalim.org.
Access conditions: 
Date of publication: 
April, 2020
Form: 
Notes: 
Source: