SWALIM Waxay Hagaajisaa Habab Kormeerid Biyo- Dhuleed

Si loo hagaajiyo kormeeridda biyo-dhuleedka, SWALIM waxay heshay qalab la soconaya xaaladda jirta  ee Biyo- Dhuleedka (oo loo yaqaan quuseyaal (divers) oo lagu rakibo meelaha ceel-biyoodyka  ah ee magaalooyinka waawey ee dalka oo idil ku yaal. Quusayaasha cusub waxay maalintii laba jeer soo qoraan heerka biyaha, milixda iyo heerkulka ceelasha, dabadeed waxay soo gudbiyaan xogta iyagoo marinaya dayax-gacmeed waqtiga dhow ee dhabta ah. Inta lagu jiro bisha July, lix quuseyaal (divers) ayaa lagu rakibi doonaa gudaha magaalada Hargeysa, Boorama iyo Berbera ee gudaha Somaliland; iyo Garoowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo ee gudaha Puntland. Ku rakibaadda gudaha koonfurta ayaa ku xigi doonta bisha Agoosto. Mar haddii la rakibo, xogta ka imanaysa quuseyaasha waxaa la heli doonaa iyada oo la marayo mareegta SWALIM (SWALIM website) oo ah: (http://www.faoswalim.org/water/water-resources/ground-water).

latest Running | Patike – Nike Air Jordan, Premium, Retro Klasici, Sneakers , Gov

Somali