W-01 Cimilada Soomaaliya

Somali
Technical report
Title Language: 
Somali
Language: 
English
Abstract: 
Soomaaliya guud ahaan waxay leeday cimilo u dhexeysa oomane iyo mid bar-oomane ah. Roob-da’u waa sifo qeexeysa cimilada oo waxay leedahay kala duwanaasho weyn oo masaaxadeed iyo mid waqtiyeed. Cimilada Soomaaliya waxa ay ka abuuranta kulanka dabaylaha ka soo dhaca waqooyiga iyo koonfurta aagga dhulsooraha (inter-Tropical Convergence Zone (ITCZ)). Meelo badan oo gudaha Soomaaliya ah waxay tani ka dhalisaa laba xilli roobaad – Guga marka aaggu gobolku xagga waqooyi iyo deyrta marka uu u wareego koonfur. Labada xaaladoodba, roobku wuxuu ka dhashaa dabaysha qoyan ee ka timaadda Badweynta Hindiya, marka dabayshu u dhacayso xagga koonfureed. Dabaylaha waqooyi-bari, ka soo dhacaya Aasiya iyo Caaraabiya, waxay dhaliyaaan roob aan badnayn. Waxaa badanaa la aaminsan yahay in roob di’iddu tahay waxa ugu muhiimsan cimilada oo saamaynaya nolosha gudaha Soomaaliya. Si gaar ah, isbedel xilli ka xilli, iyo isbedello isla xilliga gudihiisa waxay yihiin waxa go’aamiya guulaha hawlaha beeraha.
Access conditions: 
Date of publication: 
October, 2007
Agris Subject Categories: 
Extent: 
72p.
Form: 
Notes: 
18 fig.,13 appendices
Source: