W-13 Dabeecadda Socodka Biyaha (Hydraulic Behaviour) ee Webiyada Juba iyo Shabeelle

Somali
Technical report
Title Language: 
Somali
Language: 
Abstract: 
Banaanada dhoobeyda labada Webi ee joogtada u qulqula Soomaaliya, Webiyada Shabeelle iyo Juba, waxay ahaayeen oo ay noqon karaan dambiisha-kibista Soomaaliya. Waxay leeyihiin fursad horumarin waraab oo waaweyn. Si kastaba ha ahaatee dagaalkii sokeeye ee labaatameeyada sano ee la soo dhaafay wuxuu burbur ba’an u geystay hay'ado iyo kaabayaal lagama maarmaan ah si loo maareeyo khayraadka biyaha labada webi taas oo ah waa tubta nolosha ee Koonfurta Soomaaliya. Hadda fatahaaddu waa dhibaato ku soo noqnoqota gudaha dhulka webiyada oo mararka qaar gaarta xaddi musiibo dabiici ah, sida xilli roobaadkii Deyrta ee 2006. Bannaano dhoobey dabiiciyeed ah ayaa loo soo gudbay oo gabiyada webiga ayaa la gooyay si biyo loogu leexsado iyadoo loola jeedo waraab xilliga engegan. Biyoxireennada iyo kanaalada ayaa loo isticmaalayey in loogu waraabiyo bed dhul ballaaran oo aan hadda lagu shaqeynin. Dadaallo ayaa socda si loo diyaariyo qorshe maareyn fatahaad oo isku dhafan iyo sidoo kale in la dib loo hagaajiyo kaabayaasha waraabka oo in la soo nooleeyo waaxda beeraha. Dadaaladan waxaa hakiyey aqoon la'aan ah xagga dabeecadda dooxada webiga marka la eego xaalka Hydrology, hydraulics, carro-degid, iwm iyo, jiritaan la'aanta hay'ado dawladeed oo ka mas'uul ah hirgelinta tallaabooyin maareyn habboon ee dooxada webiga.
Access conditions: 
Our Copyright
Date of publication: 
August, 2009
Form: 
Notes: 
Source: