W-16 Habka Odorosidda Fatahaadda Soomaaliaya

Somali
Technical report
Title Language: 
Somali
Language: 
Abstract: 
Fatahaaddu waa arrin caadi ka ah gudaha dhulka ku hareeraysan dooxada Webiyada Juba iyo Shabeelle. Labada webi waxay muujiyaan astaamo xilliile marka la eegayo qululkooda (their hydrological regime) oo si xoog leh u janjeera fatahid gaar ahaan inta lagu jiro xilli roobaadka Deyrta (Oktoobar ilaa Nofeembar). Qaar ka mid ah dhacdooyinka daadadka waaweyn ee labada dooxo waxay dhaceen dhowr tobnaad sano oo la soo dhaafay 1961, 1977, 1981, 1997 iyo 2006. Fatahaadda webiyada waxaa badanaa sababa roobab badan oo ka da’a biyo-qabadyada sare ee labada webi oo ku yaal gudaha dhulka sare ee Itoobiya. Si kastaba ha ahaatee, waxaa sidoo kale xoog leh ka qayb qaadashada hawlo aadamaha ee daadadka, iyadoo beeralayda dagan dacaallada webiga ay gebiyada dhirta ka jaraan si ay ugu sahlanaato in biyahu u qulqulaan xagga gudaha beerahooda marka socodka biyuhu yaraadaan. Hawlahaan sharcidarada ah waxay kordheen ka dib markii ay burburtay dawladdii dhexe sanadkii 1991 waxaana sii xumeeyay roobabka El Nino 1997/98 oo ka qeyb qaatay burbur dheeraad ah oo ku dhacay kaabayaasha waraabka iyo xakamaynta fatahaadda.
Access conditions: 
Date of publication: 
December, 2009
Agris Subject Categories: 
Form: 
Notes: 
Source: