Wargelinta cimilada

SWALIM waxay soo saartaa oo qeybisaa tiro wargeysyo macluumaad iyo qaylodhamo bixinaya macluumaadkii ugu dambeeyey iyo xog siyaabo kala duwan uga warramaysa xaaladda cimilada Soomaaliya. Wargeysyadaan iyo qaylodhaamo ayaa waxaa lagu soo gudbiyaa e-mail taasoo la soo carbuunto iyadoo la soo buuxinayo waraaqda carbuunashada.(subscription form).

Liiska Wargeysyada lasocdka cimilada

 Magaca jariiradda Sharaxaad 
Saadaal saddex maalinle roob da’a Wargelin maalin walba taasoo bixineysa saadaasha isku celceliska roobka da’aya 72 saac ee soo socda. Wargeysku wuxuu bixiyaa guudmar degdeg ah ee cimilada dhammaan Soomaaliya oo af Ingiriis iyo Soomaali ah.        
Ilaaleyn Fatahaad Wargelin toddobaadle roob di’id iyo heerar webi gudaha dooxooyinka webiyada Juba iyo Shabeelle gudaha Soomaaliya.   Wargeysku wuxuu ka warramaa habraaca roob da’a toddobaadkii la soo dhaafay iyo saadaasha toddobaadka soo socda.  
Wargelin roob da’a toban maalinle Wargelin hawqabadyo roob da’a gudaha Soomaaliya ee tobankii maalin ee dambe.  Wargeysku wuxuu isbarbar dhigaa toban maalinlaha socda iyo celceliska waqti-dheer si loo hubsado haddii habraaca roobka da’ay uu ka sareeyo ama ka hooseeyo sida caadiga ah.
Wargelin    Gobleed  Cimilad Bille   SWALIM waxay soo saartay wargelin bille ay kala shaqeeyaan Wasaaradaha Beeraha Puntland iyo Somaliland, bil kasta inta xilli roobaadyada lagu jiro taasoo wargelin cusub ka bixisa cimilada gobol kasta. Wxaa la heliakaraa iyadoo af Ingiriis ku qoran laga bilaabo Maarso ilaa Juunyo iyo laga bilaabo Oktoobar ilaa Nofembar.
Ilaaleyn Abaar Wargeys ayaa la soo saara keliya muddada abaaro ay ka jiraan   gudaha dalka, taasoo guudmar ku smaynaysaa xaaladda jirta marka laga eego roob, dhir iyo heerar webi. Tafaasiishaan waxaa lala falanqeeyaa xogo kale oo feer socda si loo muujiyo saameynta taagan iyo mid suurgal ah ee dhaqan-dhaqaale oo abaartu ku leedahay goobta.  
Qaylodhaamo  

Qaylodhaamo kala nooc ah ayaa la soosaaraa hadba sida loo baahdo si jawaabo u ah xaalado dhibaatooyin ama gurmad degdeg ah.  Qaylodhaamuhu waxay bixiyaan digniin hordhac haddii la saadaalinayo in waqtiga mustaqbal dhaw meel ay ka jiri doonaan fatahaad, abaar ama halis kale oo cimilada la xiriirta.

 
 Muuqaal Roob Gu’/Deyr Wargelin xillile ayaa la soosaaraa bilowga xilli roobaadyada Gu’ga iyo Deyrta (Maarso iyo Sebteembar). Wargelintu waxay muujisaa saadaasha roobka xilliga soo socda iyo guudmar saameyn ka dhici karta qeybo kala duwan sida Beero iyo xoolo.
Habraac Roob Gu’ga/Deyra Wargelin ayaa la soosaaro dhamaadka xilli roobaadyada Gu’ga iyo Deyrta (gudaha Juunyo iyo Nofeemar). Waxay cadeysaa habraaca guud ee roobab da’ay intii lagu jirey xilliga laga soo gudbay, saameynta uu ku yeeshay xaaladaha beeraha iyo dhirta iyo qiimayn wanaagsan oo lagu sameeyey xaaladda goobaha waxsoosaarka.

 

Somali