Wejiga socda

Wejiga socda ee mashruuca V, kaasoo bilowday Febaraayo 2013 oo sii socon doona ilaa 2017, wuxuu ka ambaqaaday wejiyadii hore si uu awood u siiyo daneeyeyaasha oo u fududeeyo isticmaal firfircoon ee hantida SWALIM, nidaamyo iyo adeegyo la xiriira go’aan-qaadashada. Diiraddu waxay saran tahay wejigaan in la xaqiijiyo in kuwa u xilsaaran maareyn raandhiis leh ee kheyraadka dabiiciga, qorshaynta, maalgelinta, u diyaargarow masiibooyina/ka jawaabid iyo dhisid adkeysi in awood loo siiyey iyadoo lagu marayo ku isticmaalidda macluumaadka kheyraadka FAO-SWALIM ee ku saabsan  biyo, dhul iyo digniin hordhac ah. Awoodda hay’adaha dadwenaha Soomaliyeed iyo daneeyeyaalka kale waa la sii xoojin doona, la horumarin doonaa, la adkeyn doonaa si loo fududeeyo ugu dambayn ku wareejinta waxqabadyada mashruuca maamullada Soomaliyeed ee muhiimka ah. Xubinta ugu muhimsan wejigaan waa in la horumariyo oo la hirgeliyo Macluumaad cad, Isgaarsiin iyo Maareyn Aqoon Xeeladeysan  taasoo u adeegi karta si tusaale u noqon karta dadaalada Soomaaliyeed.

Wejiga V waxaa la horumariyey iyadoo la xusuusan yahay 5 xiriir oo  muhiim ah:

  • Iskuxirka Himilooyinka Horumarinta Kunkan-sano – mashruucu wuxuu abaarayaa xiriirka himilada horumaninta Kunkaan sano (MDGs) ee 1 iyo 7, ee ku saabsan sugnaanta cuntada iyo raandhiislahaanta deegaameed siday u kala horreeyaan.
  • Iskuxirka qaab-dhismeedka barnaamij dalka/ xeeladaha/ Istaraateejiyadda FAO ee Soomaaliya – Soomaaliya ma laha qaab-dhismeed barnaamij dal (CPF). Si kastaba ha ahaatee waxaa loo dejiyey siyaasad leh lix tiir oo qaab-dhismeed sida aasaaska bilow cusub ee Soomaliya oo ay Dawladda Fadaraalku door ka cayaareyso hawlqabadyada mashruuca. Mashruucu wuxuu ka qaybqaadan doonaa xaqiijinta qaab- dhismeed siyaasadda cusub, gaar ahaan dhinyada soo kabashada dhaqaalaha iyo adeeg bixinta, iyadoo loo marayo soosaaridda iyo hagaajinta muhiim u ah macluumaadka biyaha iyo dhulka iyo horumarinta awoodda hay’adaha Soomaaliyeed si ay si raandhiis leh u horumariso kheyraadka nugul ee biyaha iyo dhulka iyadoo aaney jirin mid ka mid ah lixda tiir oo aan istaagi karin. Intaas waxaa raaca, mashruucu wuxuu bixin doonaa macluumaad badan oo la diyaariyey si loo taageero hirgelinta istaraateejiyadda FAO-da Soomaaliya, si waafaqsan ulajeedooyinka istarateejiyadda FAO. Ujeedada istarateejiyadda FAO ay ka leedahay Soomaaliya waa in la wanaajiyo sugnaanta cuntada iyo hab-nololeedka dadweynaha Soomaaliya.
  • Istrateejiyadda EU ee ku aadan  Soomaaliya

Mowduuca isbedelka EU waxaa ku jira in diiradda la saaro ka caawimidda dalalka soo koraya yaraynta dhibaatooyinka caalami ah oo soo gaadhaya sida ibedelka cimilada, deegaan nololeedka iyo xaalufka kheyraadka, iyo kacsanaanta iyo cir-isku-shareerka sicirrada tamarta iyo waxsoosaarka beeraha iyadoo maalgelinta xoog loogu saarayo xagga waxbeerasho raandhiis leh iyo tamar.

Mashruucu wuxuu gacan ka geysan doonaa ka guulgaarista Barnaamijyada Horumarinta Miyiga (RDP) iyo ujeedooyinka istarateejiyadda EU gudaha Soomaliya iyadoo la siinayo macluumaad wax-ku-ool ah kasoo ka warramaya hawgallada iyo ka caawimidda awood dhisidda hay’adaha Soomaaliya.

  • Istarateejiyadaha Adkeysi Wadajira ee Soomaliya – Ayadoo la tixgelinayo dhibaatooyinkii beniaadminimo ee dhawaan ka dhacay Geeska Afrika, FAO, WFP iyo UNICEF waxay soo jeediyeen istaraateejiyado adkeysi wadajir ee Soomaliya kaasoo ujeeda in hawlaha falgelinta samafalka beniaadminimo iyo horumarinta la isugeeyo iyadoo la doonayo in dhiso adkeysiga dadweyne tabaaloobay oo la beegsado waqtiga dhexe iyo kan dheer. Istaraateejiyadu waxay iftiimineysa doorka muhiimka ah ee macluumaadka iyo aqoonta maareynta ku leeyihiin isticmaal xeererka iyo ilaalinta kheyraadka, kawarqabka qorshaha, siyaasadda horumarinta iyo digniinta hordhac ah. Sidaas darteed mashruucu wuxuu qaybqaadan doonaa hirgelinta Istaraateejiyadda isagoo siinayaa macluumaad iyo awood dhisid hay’adaha maxalliga ah gaar ahaan ku lug leh qeybaha waxsoosaarka.
  • Iskuxirka qaybta siyaasadda iyo sharciga – Mashruucu wuxuu si dhaw ula shaqayn doonaa hay’adaha muhiimka ah si loo horumariyo awoodooda si ay door firfircoon uga qaataan horumarinta siyaasadaha biyaha iyo dhulka iyo in la hubiyo inay u isticmaalaan macluumaadka la soo saaray si ay u hirgeliyaan siyaasadaha iyo sharciga biyaha iyo dhulka.
Somali