Yaan Nahay

Mashruuca SWALIM waxaa la hirgelinayey tan iyo bilowgii si ah ulajeedooyin isdabajoog ah iyo hawqabad horseedaya xoogeynta hay’ado Soomaaliyeed oo xul ah si loo gaaro isku-fillaansho xagga awoodooda ah in ay soo saaraan oo maareeyaan macluumaadka kheyraadka dabiiciga.Who we are imageSWALIM waa ayy ka kortay warqad hindiseed lagu hirgeliyey dhammaadkii 2001 oo waxay hawlgal ku noqotay wejigii hore ee abuuritaanka (oo uu maalgeliyey Cooperazione Italiana) oo la fulinayey ilaa dhammaan 2002.

Itaas la dib mashruucu hadba walba wuu korayey oo wuxuu maray shan weji/marxaladood, laga soo bilaabo Wajii I (oo ay maagelisey Bulshada Yurub) kaasoo la bilawday 2003, ilaa wejiga V ee hadda socda, kaasoo bilowday bishii Feberaayo 2013. Intii lagu gudajirey wejiyadiisii hore, SWALIM waxay dib u heshay macluumaad aad u badan oo lumay intii suurogal ahayd, iyadoo ka raadinaysay  ilo jirey macluumaad gudaha Soomaaliya iyo dacallada adduunka. Intii lagu gudajirey wejiyadeedii isxigxigey, SWALIM waxay dib-abuurtay xogta asaasiga muhiimka ah oo waxay gacan ka geysatey horumarinta kaabayaasha gundhigga ah si ay u suurogasho maareyn wax-ku-ool ah ee biyaha iyo dhulka. Tan waxaa lagu daray soo saarista macluumaaad asaasi ah iyadoo loo marayo qiimayn baaxadweyn  oo sii-socota si loo diiwaangeliyo xaalladaha jira ee kheyraadka dabiiciga. Mashruucu wuxuu sidoo kale dib-u-hirgeliyey shabakdo wadashaqeyn oo xog uruurineed iyadoo la kaashatay hay’ado lahawlgaleyaal ah si ka rooni ah loo fududeeyo kormeerka, iyo qiimaynta roobdi’idda, qulqulka webiyada, kheyraadka biyaha dhulka hoose ku jira, sidaas si mid ah  isticmaalka dhulka, sifooyinka ciidda, iyo haboonaanshiyaha isticmaalka dhulka. Isla mar ahaantaas, SWALIM waxay darastaa oo la socotaa xaalufinta kheyraadka dabiiciga, waxayna hagaajisaa hababka maareynta ka digidda hordhaca iyo ka jawaabista daadadka iyo abaaraha.

Somali