L-21 Warbixin Baaris Daleed ee Khayraadka Dhulka Soomaaliland

Somali
Technical report
Title Language: 
English
AttachmentSize
PDF icon L -21 Land diagnostic report .pdf14.14 MB
Language: 
Abstract: 
Warbixinta baarista khayraadka dalka Somaliland waxay waramaysaa diiwaagelin kheyraad dabiiciga ah iyo muuqaal daleed. Fiirada gaarka ee warbixintu waxay ku saabsan tahay taageero siinta geedi-socodka horumarin siyaasad dhul. Diiwaagelin Khayraad Dabiici ah waxay muhiim u tahay qorshayn isticmaal dhul oo dhamaystiran taasoo fiiro gaar ah u leh khayraad bulshadeedka dhulka iyo biyaha, waxayna aasaas u noqonaysaa meel u furan qorshayn iyo ilaalin, kala xadayn cusub, qorshayn dhawris, meelo muhiimad deegaaneed iyo qorsheyaal iyo siyaasado kale oo degmadeed. Daraasadaan waxay ku qabsoontey iyadoo loo marayo qiimayn miis dushii ah ee khayraadka dhulka oo la isticmaalayo macluumaadka hadda jira (ciidda, cimilada, isticmaalka dhulka, dayax-gacmeed), sahan carro iyo falanqayn xog ciid si loo kordhiyo fahmidda sifooyinka ciidda oo ay ka mid yihiin bacrin ciid iyo sahanno waxyaabo kale oo wax soo saar ciid kala duwaya, hab-nololeed iyo isticmaal dhul si loo xaqiijiyo habab waxsoosaar (Hababka Isticmaalka Dhulka) oo ay horey u qeexday SWALIM iyo baaris ciido, isticmaal dhul iyo xaddidnaan iyo heer awoodeed ee waxsoosaar iyo iskuduwid saldhig-xog khayraad dhul oo la ballaariyey ee. Diiwaagelinta xogta khayraadka dhulka waxay sameeyey shaqaale ka tirsan Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga (MoERD) ee Somaliland. Kahor sahanno goobaha duurka looga baahna ayaa SWALIM waxay u tababartay shaqaalaha wasaaradda habka loo sameeyo xog ka soo ururin dibedaha duurka. Markaas ka dib ayaa kooxda duurka loo diray si ay u soo ururiso xogta khayraadka dhulka. Xogta waxaa laga soo uruuriyey arrimaha isticmaal dhul, ded dhul, hab-nololeed, iyo ciid gudaha degmooyinka Burco iyo Oodweyne ee Somaliland. Xogtan waa la falanqeeyay iyo natiijooyinkana waxaa loo soo bandhigay maamullada Somaliland iyadoo loo qabtay shirweyne daneeye kaasoo noqday kii ugu soo jiidasho badnaa hawsha SWALIM qabato. Waxaa laga soosaaray warbixin cinwaan looga dhigay "Warbixin baaris geyiyeed iyo khayraadka dhulka Soomaaliland". Warbixinta Saldhigga Khayraadka Dabiiciga iyo baaris geyiyeedka Somaliland, oo ay weheliso sadhigyo-xogeed oo la xiriira khayraadka dabiiciga, waa aalado muhiim ah si kor loogu qaado helitaan macluumaadka dhulka iyo khayraadka dabiiciga kale loo dhanyahay si loo fududeeyo maalgelin waxsoosaar leh iyo taageerid horumarin bulshadeed iyo mid dhaqaale. Tilmaamo maareyn khayraad dabiici ayaa sidoo kale la hormarin doona oo waafaqsan nuxurrada warbixinta.
Access conditions: 
Date of publication: 
February, 2016
Agris Subject Categories: 
Form: 
Notes: 
Source: