Waxqabadyo Mashruuc

Iyadoo gudaneysa masuuliyaddeeda, SWALIM waxay ku xoogan tahay qeybaha soo socda:

  • Biyaha – waxay bixineysaa macluumaad kheyraad biyo iyadoo diiradda saarata ilo biyo asali ah (miyi iyo magaalo), waraab, ibedbedelo cimilo xilliyeed, shabakado webi cabiraya, shabakado lasocda hawada, iyo abaar iyo dhigniin hordhac daadad iyo habab ka jawaabid degdeg ah.

 

 

  • Land - waxay bixineysaa macluumaad kheyraad dhul oo ah heer qarameed iyo mid goboleed, SWALIM waxay soo uruurisaa oo falanqeysaa xogta ku saabsan isticmaal dhul iyo habboonanshiyaha, qaab-baxaalli dhul iyo ded, joolojiyada dusha iyo tayo ciid. Sidoo kale mashruucu wuxuu diiwaangeliyaa oo la socodaa sansaanada xaalufin dhul.

 

  • Jeedaalin fog/Remote sensing – waxay isticmaalaan sawiro dayax-gacmeed iyo masawirro dayuurado qaadaan si loo qiimeeyo oo loo kormeero kheyraadka biyaha iyo dhulka iyo kaabayaasha. SWALIM waxay isugeysaa farsamo jeedaalin fog/Remote sensing iyo xog soo uruurin caadi ah ee geyiga si ay u soo bixiso falanqeyn aad u sax ah iyo macluumaad qoto-dheer.

 

  • Maareyn Macluumaad – nidaamyo wax lagu dhiso, tilmaamo iyo heerar xog iyo keydin macluumaad, kala-shaandhayn, maareyn iyo helitaan. SWALIM waxay bixisaa xalal farsamo macluumaad iyo taageero maareyn macluumaad iyadoo isla markaasna soo saaraysa waxsoosaar macluumaad lambareed (digital) horumarsan si loogu faafiyo daneeyeyaal SWALIM.

 

  • Dhisidda Awoodda – waxay diiradda saaraysaa saddex arrimood oo horumarin awood ah, oo kala ah deegaan karaan leh, ururka iyo shaqsiga, SWALIM waxay siinaysaa tababar iyo taageero dhammaan daneeyeyaasha. Waxaa soo raaca korsooyin baaxad weyn, SWALIM waxay siisaa dawladda qalab gaar iyo saadad kale oo loo sii mariyo wasaarado la shaqeeya iyo hay’ado, waxay hirgelisay xarumo xog-keydin oo wasaaradahaan ku dhex yaal si ay u taageeraan waxqabadyada maareyn kheyraad raandhiis leh.
Somali