Library Catalog
Latest Documents and Publications listed. Use search terms in the box below to find what you need
W-08 Qiimaynta biyaha Miyiga
Khayraadka biyaha gudaha Soomaaliya waa ay kooban yihiin tiro iyo tayo labadaba, taas oo ay weheliso abaar soo noqnoqda iyo daadad sii xumeeya xaaladda ammaanka biyaha ee gudaha dalka. Ka hor bilowgii dagaalka sokeeye ee horraantii1991, hay'adda ugu muhiimsan ee mas'uul ka ah maaraynta khayraadka biyaha gudaha Soomaaliya waxay ahayd Wasaaradda Khayraadka Biyaha iyo Macdanta iyada oo loo marayo Xarunta Biyaha Qaran. Manaafacaadsiga biyo siinta maxalliga waxaa mas'uuliyad ka saarnayd Hay'adda Horumarinta Biyaha (WDA), halka Wasaaradda Beeraha ay qorshayn jirtey oo ka shaqayn jirtey hawlaha biyaha waraabka beeraha ee wabiga Shabeelle. Marka ay noqoto Webiga Jubba, horumarinta waxaa ka mas'uul ahaa Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Dooxada Juba. Qabanqaabooyinka hay'adeed ee maareynta khayraadka biyaha waxay muujiyeen kala qoqobnaan, oo aan lahay xad cad oo u dhexeeya hawlaha hay'adaha qaraniyo kuwa maxalliga ah. Markii uu qarxay dagaalkii sokeeye ee 1991-kii, wax badan oo ka mid ah kaabayaasha biyaha waa la burburiyay oo waxaa si xun loo waxyeeleeyey adeegyo bulshadeed oo ka jirey gudaha Soomaaliya sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo fayadhowrka. Maadaama Soomaaliya ay ku taal geyi aad u biyo-yar, horumarinta deegaameed, midda bulshadeed iyo dhaqaalaba waxay si baaxad weyn ugu tiirsan tahay ammaan biyo la hagaajiyey oo maareyn khayraad biyood oo wax-ku-ool ah leh.
Publication Type:
Technical report
Publication Date:
Author:
Corporate Author:
W-03 Inventory of Hydro-Meteorological Data of Somalia
Developing countries; especially in Africa, face great challenges in data and information management. While it is known that centralised database management is a good practice in the field of research, not many countries have managed to achieve this, even with the growing rate of knowledge of information and communication technology. Somalia faces even greater challenges than these countries due to the prolonged civil war. One and a half decade of the civil war in the country have resulted in loss and damage of most water & land related information collected in the previous half century.
This report presents an inventory of the historical hydro-meteorological data that have been
accumulated from various sources, and the hydrometeorological data that are currently
being collected by SWALIM in collaboration with partner agencies
Publication Type:
Technical report
Publication Date:
Author:
Muchiri, P. W.
Corporate Author:
Somalia Water and Land Information Management, Nairobi (Kenya)
W-09 - Suroogalnimo Dhurasho Biyo-roobaad gudaha Soomaaliya
Soomaaliya waxay dabooshaa geyi ah 637,657 km2 oo dadka ku nool lagu qiyaasay in ay yihiin 7.5 milyan sanadkii 2003. Dhaqaalaha Soomaaliya wuxuu badanaa ku dhisan yahay beeraha (beeraha iyo xoolaha, tan dambe ayaa ah halbowlaha ugu weyn). Dhaqaalahu wuxuu si heer sare ah ugu tiirsan yahay helitaan biyood, taas oo iyana markeeda ku xiran roobka. Roobabka Soomaaliya ma aha mid yar oo kaliya, ka hoos 100 mm/sanadkii meelaha qaar, laakiin waxa uu leedahay isbedbedel sare oo xilliile iyo mid masaaxadeed (Lifaaqa 1 ilaa 5). Celceliska roobabka sanadle wuxuu dhexeeyaa 215 mm gudaha gobollada Waqooyi-bari ilaa uu ku dhawaado 550 mm gudaha gobollada Koonfureed iyo Bartamaha (SWALIM, 2007).
Isudheelitirka biyaha dalka wuxuu muujinayaa uumibax ka badan roobabka ku daá gudaha dalka oo idil. Waxaa intaas dheer, xaalado kale oo biyo iyo oogo dhul (hydro-physical conditions) oo saamayn xun (tabane) ku leh helitaanka biyo saafi ah waxa ka mid ah xaaluf dhul iyo calwidda oogooyinka biyaha. Xaaladda waxaa sii xumaatay 16 sano oo dagaal sokeeye jirey, gaar ahaan gudaha gobollada koonfureed. Tiro ka mid ah ururada maxaliga iyo kuwa caalamiyeed waxay bilaabeen barnaamijyo dib-u-dhisid, dhawris deegaameed iyo taageerid hab-nololeed rayid. Khubaradadu waxay qiyaasayaan in Soomaaliya ay ka mid tahay 13 dal oo Afrikaan ah oo wajihi doona biyo yaraan sanadka 2025. Dal waxaa la yiraahadaa waa mid biyo yar marka biyaha sannadlaha ee halkii qofkii heli karo ay ka hoosayso 1000 m3. Durba, Soomaaliya waxay leedahay wax ka yar 500 m3/Qofkiiba/sanadkii (UNECA, 2000). Tan waxaa loo tiriyaa roob-di'id goosgoos u qaybsamida xilliile iyo tan masaaxadeed oo xaddiga celceliska sanadle uu u dhexeeya 100 iyo 800 mm, uumibax sare, iyo waxqabadyo aadame oo sii xumeeya nabaad guurka.
Publication Type:
Technical report
Publication Date:
Author:
Corporate Author:
Inventory of Hydro -Meteorological Data of Somalia
Developing countriesespecially in Africa, face great challenges in data and information management. While it is known that centralised database management is a good practice in the field of research, not many countries have managed to achieve this, even with the growing rate of knowledge of information and communication technology. Somalia faces even greater challenges than these countries due to the prolonged civil war. One and a half decade of the civil war in the country have resulted in loss and damage of most water and land related information collected in the previous half century. On the other hand, great numbers of agencies are working in Somalia with different objectives and activities, which have led to disintegration of information. Having realised this, land and water data management and exchange have become important components within the SWALIM project. SWALIM is trying to recover lost information from different sources all over the world and at the same time re-establish data collection networks in collaboration with partner agencies. One area of interest is information and data on hydro-meteorology. A lot of resources and efforts have been put into place by SWALIM in an effort to recover these lost data.
Publication Type:
Other
Publication Date:
Author:
Muchiri, P. W.
Corporate Author:
Somalia Water and Land Information Management, Nairobi (Kenya)
W-03 Diiwaagelin Xog cilmiyeed Biyo-hawo-saadaalin (hydro-meteorological data) ee Soomaaliya
Dalalka soo koraya; gaar ahaan Afrika, waxay wajahayaan caqabado waaweyn oo ka haysta maaraynta xogta iyo macluumaadka. Halka sida la og yahay in meeldhexe ka maareynta xogta gundhig ah ay dhaqan wanaagsan tahay markii ay arrin cilmi-baaris tahay, dalal aan badnayn ma maareyn inay ka guulgaaraan arritaan, inkasta oo uu kordhayo xaddiga aqoonta macluumaadka iyo farsamada isgaarsiinta. Soomaaliya waxay weliba wajahaysaa caqabado ka waaweyn kuwa dalalkaan iyadoo ay ugu wacan tahay dagaalka sokeeye ee daba dheeraaday. Hal iyo bar tobanaad sano oo dagaalka sokeeye ka jirey gudaha dalka wuxuu u keenay khasaare iyo dhaawac wax badan oo la xiriira macluumaad biyo & dhulka oo nus qarnigii hore la ururiyay. Warbixintani waxay soo bandhigaysaa diiwaangelin xog taariikheed cilmiyeed biyo-hawo-saadaalin (hydro-meteorological) taasoo laga ururiyay ilo kala duwan, iyo xogta hydrometeorological-ka hadda ay uruurinayso SWALIM iyadoo kaashanaysa hay'ado la hawlgala.
Publication Type:
Technical report
Publication Date:
Author:
Corporate Author:
W-05 Xaaladda Mashaariic Waraab oo Dhexdhexaad ilaa Waaweyn ah oo gudaha Koonfurta Soomaaliya ka jira
Inkastoo beeraha waraabka ay ahaayeen isha-nolosha dhaqaalaha Soomaaliya ka hor bilowga dagaalka sokeeye ee 1990, wax badan oo macluumaadkii hababka waraabka oo dagaal hortii jirey ayaa lumay oo wax yar ayaa la og yahay xaaladdooda hadda ah. Warbixintani waxay muujinaysaa natiijooyinka ka soo baxay qiimayn ay SWALIM fulisay si loo ogaado xaaladda mashaariicda waraabka dhexdhexaad ilaa waaweynka ah oo ka jira gudaha Koonfurta Soomaaliya iyo kaabayaashooda waraabka. Waxaa la fuliyay dib-u- eegis qoraallo dhammeystiran, wareysiyo dad muhiim ah oo lala xiriiray iyo falanqayn ballaaran oo ah xog jeedaalin dareeme fog si loo gaaro natiijooyinka qiimaynta. Waxaa la soo saaray macluumaad gundhig ah oo ku saabsan biyoxireennada, habab kanaal iyo mashaariic waraab dabaded waxaa la dhisay xog-gundhig GIS ah ee kaabayaasha waraabka.
Waxaa la ogaaday qiyaas 5000 km oo kanaalo ah markii barbardhig loola sameeyey masawirro dayax-gacmeed. Waxaa la aqoonsaday xuduudaha iyo xaaladda 34 mashaariic waraab oo dhexdhexaad ilaa waaweyn ah. Xogta si fiican ayaa loo habeeyay oo waxaa la heli karaa markii loo isticmaalo desktop GIS software ama software web ku salaysan oo Geonetwork ah. Natiijooyinka soo baxay, oo ay weheliyaan talooyin, ayaa waxaa la filayaa in ay aasaas u noqdaan dadaallada dayactirka kaabayaasha ee bulshada deeqbixiyaha.
Publication Type:
Technical report
Publication Date:
Author:
Corporate Author:
W-11 - Khayraadka Biyaha ee Soomaaliya
Warbixintu waa gunaanad SWALIM ee qiimayno biyood iyo warbixinno, lagu kaabay falanqayn tirakoob faahfaahsan oo ah kala duwanaanshiyo xilliile iyo midka masaaxadeed ee khayraadka biyood ee dusha iyo dhul-hoose laga heli karo, iyo isticmaalladooda hadda iyo ka suurogali kara. Qiimayntu waxay ku salaysan tahay is dhexgelinta xogta biyo-jawi saadaaleed iyo abuur-oogoo dhuleed (hydrometeorological iyo physiographic data) oo ay soo ururiyeen oo falanqeeyeen SWALIM iyo hay'ado hawl-la-wadaag ah.
Qiimeyntu waxay ka warramaysaa khayraadka biyaha ugu muhiimsan gudaha dalka, waxay cadaynaysaa baahiyo khayraad biyo gaar ah iyo fursado, waxay qoraysaa hawlo horumarin khayraad biyood oo weli-soconaya iyo kuwo la qorsheeyay; waxay soo jeedinasaa habab-raacyo suurtogal ah ee horumarin khayraad biyood oo muddo gaaban iyo mid dheer oo heer dhexdhexaad - iyo mid baaxad weyn ah isugu jira. Warbixinta waxaa loogu talagalay in lagu taageero maareynta khayraadyo biyo oo isku dhafan ee gudaha Soomaaliya, oo ku saleysan isku dubaridid la xiriirta horumarin iyo maarayn khayraad biyood iyo dhul.
Publication Type:
Technical report
Publication Date:
Author:
Corporate Author:
W-11 - Water resources of Somalia
The report is a synthesis of SWALIM water assessments and reports, supplemented by detailed statistical analysis of the temporal and spatial variability of the available surface and groundwater resources, and their existing and potential uses. The assessment is based on the integration of hydrometeorological and physiographic data collected and analysed by SWALIM and partner agencies. The assessment describes the existing major water resources in the country, identifies special water resources needs and opportunities, documents ongoing and planned water resources development activities; it suggests practicable approaches to short and long-term water resources development at mezzo-and macro scale. The report is intended to support integrated water resources management in Somalia, based on coordinated development and management of water and land related resources.
Publication Type:
Technical report
Publication Date:
Author:
Basnyat D, Somalia Water and Land Information Management, Nairobi (Kenya)
Corporate Author:
Somalia Water and Land Information Management, Nairobi (Kenya)
L-11 Application of Remote Sensing Techniques for the Assessment of Pastoral Resources in Puntland, Somalia
The conceptual aim of the study is to test and evaluate the applicability of remote sensing tools and products in the assessing pastoral resources. In the study remote sensing in combination with fieldwork were used to assess pastoral resources in two study areas falling within Sanag, Sool, Nugal and Mudug Regions of Puntland in northern Somalia. The key purpose of the
study was to test remote sensing techniques as tools for assessing and monitoring pastoral resources.
Publication Type:
Technical report
Publication Date:
Author:
Oroda A.S., Oduori S. M., Vargas R.R
Corporate Author:
Somalia Water and Land Information Management, Nairobi (Kenya)
L-06 Haboonaanshiyo Dhul Aag laga Doortay gudaha Soomaaliyand
Si wax biirin u ah go’aanno siyaasad hogaamineedka qorshaynta isticmaalka dhulka, ayaa daraasadan waxay qeexeysaa awooda aagga daraasadda uu ku taageero noocyo isticmaal dhul oo gaar ah. Noocyada isticmaalka dhulka u muhiimsan la eegay waxay ahaayeen beer roobaad, daaq fidsan (xoolo-dhaqasho) iyo kayn. Haboonaanshiyo dhul waxaa lagu soo bandhigay qaab shaxeed, khariidado iyo faalooyin noocyo gaarah ee isticmaal dhul lagu qeexay dalagyo kala gaar ah, xoolo daaqeen ama noocyo dhir kayn. Warbixintan waxay sidoo kale bixinaysaa faahfaahino ku saabsan Hab Qiimayn Dhul oo Automaatik looga dhigay Soomaaliya (Somalia Automated Land Evaluation System (SOMALES )), taas oo ah hirgelin Qaab-hawleed FAO u isticmaasho Qiimayn Dhul iyo ALES software oo Soomaaliya loo diyaariyey. Warbixintan waa wax waxtar leh hogaamin go'aanno siyaasadeed oo ku taxaluqa qorshayn isticmaal dhul.
Publication Type:
Technical report
Publication Date:
Author:
Corporate Author:
Pages
RSS feed [compliant with the Agris AP] |
Agris AP XML
