LASOCOD FATAHAAD

Soomaaliya waxay waayoarag ku tahay laba nooc oo daadad: fatahaado webi iyo daad walalac soo rogmada. Fatahaado webi waxay ka dhacaan jiidda webiyada Juba iyo Shabeelle ee koonfurta Soomaaliya, halka daadad walalac ay caadi ka yihiin inay ku rogmadaan jiidda togagga goosgooska ah ee gudaha qeybta waqooyi ee dalka. Waqti dhaw oo la soo gudbay, wadanku wuxuu waayoarag ku noqday koror daran iyo soo noqnoqosho daadad. Taariikh ahaan fatahaadihii ugu darnaa ee dhawaa waxay ahaayeen kuwii Deyrihii dhacay 1961, 1977, 1997 iyo 2006, iyo fatahaadihii Gu’yaalkii 1981 iyo 2005. Fatahaaduhu waxay dhaliyeen khasaarooyin naf aadane iyo dhaawac dhaqaale oo weyn.

Halka gudaha Soomaaliya ay daadad walalac ah ka dhasheen roobab meelo ku kooban, fatahaad webi waxay inta badan ka dhacdaa dacallada jiidda webiyada Juba iyo Shabeelle oo ay ugu wacatahay biyo kasoo rogomada dhul biyo shub ah oo ku yaal buuraleyda sare ee Itoobiya, kaasoo caadi ahaan ay ka da’aan roobab maahiigaan ah oo soo noqnoqosho badan marka la barbardhigo waxa ka da’a gudaha Soomaaliya. Fatahaadda waxa sii xumeeya gebiyada webiga oo si sharcidarro ah loo faruuro (meel loo sameeyo in biyo waraab ka soo baxaan inta lagu jiro xilliga oomanaha). Biyo ka soo baxaya meelahaan la faruuray waraab, marka uu biyo qulqulku sareeyo, waxay jahawareer ku sababaan dhulka agagaar ku yaal.   

Si loo hagaajiyo lasocod fatahaad, macluumaad wadaag iyo wargelin, SWALIM waxay samaysay Hab Khatar Fatahaadda iyo Kajawaabid ah Macluumaad Maareynta Flood Risk and Response Management Information System (FRRMIS). FRRMIS waa saldhig-web macluumaad gudbiye ah iyo madal lagu wadaago war taasoo isu keenta macluumaad muhiim ah oo ku saabsan fathaado oo markiiba uu la soo xiriiri karo hal isticmaale. Habku wuxuu ku dhisan yahay Hannaan Macluumaad Joqraafiyeed (Geographical Information Systems (GIS)) iyo web farsamadiisa ay ku jiraan noocyo kala duwan oo macluumaad fatahaad ah. Waxay kor u qaadaysaa u diyaargarow fatahaad iyo sii qorsheyn waxqabad, sidoo kalena samatabixin iyo hawlo kajawaabid/gurmad. Waxaa soo raaca, SWALIM waxay gunaanadday sanadkii (mapping of riverbank breakages and areas of potential flooding along the Juba and Shabelle Rivers) 2014 khariidadeyn meelo gebiyo-webi jajaban iyo meelo fatahaad ka dhicikarto oo ku yaal jiidda webiyada Juba iyo Shabeelle gudaha koonfurta Soomaaliya iyadoo la isticmaalayo masawiro meere (satellite) oo aad bayaan u ah. Macluumaadka la soosaaray wuxuu door weyn ka ciyaaray sidii loo caawin lahaa maamullo maxalli ah iyo bulshooyin si ay u xiraan meelaha faruuran/jaban iyo lasocodka meelo cusub oo ay ka dhicikarto. Macluumaadka waxaa isticmaalay hay’ado lahawgaleyaal ah oo u adeegsadey u diyaargarow masiibo ee aagagga labada webi.                                          Major flood years in Somalia                       

        

Si loo caawiyo bulshooyin in si fiican ay iskood u diyaargaroobaan inta ay jiraan fatahaaduhu, SWALIM waxay daabacaad wargeys (buugyare) xambaarsan macluumaad ku saabsan u diyaargarow fatahaad oo lahelikaro isagoo ku qoran labo af oo ah Ingiriis iyo Soomaali. Waraaquhu waxay bixinayaan macluumaad muhiim ah oo tilmaamaya hawlgal ay tahay in la sameeyo kahor, inta lagu jiro, iyo kadib fatahaad taasi waxay caawin doontaa sida loo yareynayo saameynta fatahaadaha iyo sida si fiican loogu qalabaynayo bulshooyin si loola tacaalo dhacdooyin fatahaad.

 

                                                                                                                                                                                                                                        Flood Preparedness Bulletin

Somali